London: Rabshado Ka Dhashay Wiil Boolisku Toogtay, Bililqada, Boobka iyo Gubashada Guryaha Oo Halkii Ugu Xumayd Gaadhay

London-(Berberanews)- Rabshado khasaare naf iyo moodba leh, ayaa gilgilay xaafadda Tottheam ee waqooyiga London, ka dib markii uu dhammaday bannaanbax boqollaal dadweyne ahi kaga soo horjeedaan toogasho boolisku u geystay wiil dhallinyaro ah oo magaciisu yahay Duggan  habeenkii khammiista todobaadkan.

Rabshadaha xalay ka dhacay London waxa dhaawacyo ka soo gaadheen saraakiil boolis ah iyo qaar ka mid ah dadweynaha mudaharaadka dhigayay, sidoo kale waxa boonb iyo bililiqo badan loo geystay dukaanno waaweyn, baanan iyo xafiisyo dawladeed oo six un loo burburiyay iyo gaadiid dab la qabadsiiyay.
Khasaaraha Booliska, Hantida ganacsi iyo shacabka ka soo gaadhay
 
Warbixin ka soo baxday booliska, ayaa shaacisay in ugu yaraan 26 sarkaal ku dhaacawmeen markii mudaharaadayaashu ku badh-tilmaameedsadeen quraarado iyo agab macmal ah oo gacanta ka tureen, sidoo kale waxa bililiqo loo geystay bangiyo, dukaanno qaarkood dad Soomaali ahi haystaan iyo xafiisyo dawladeed iyo saddex  baabuur oo lagy gubay meel u dhaw xarunta booliska Totteham.

Raysal-wasaaraha Ingiriiska David Cameron’s, ayaa rabshadaha ku  tilmaamay kuwo aan la aqbali Karin.
Magaalada Rabshaduhu ka dhaceen ee Tottenham oo ku taal waqooyiga London, ayaa weli xidhan, ka dib rabshadihii xalay ka dhacay, iyadoo ciidanka nabad-sugidu baadhitaanno la xidhiidharabshadaha  ka wadaan.
Ganacsatada Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaadhay
 
Dhibaatada rabshada ka dhacay xalay Tottheam ayay dhibaato ka soo gaadhay ganacsato Soomaaliyeed oo dukaanno ganacsi  laga bililiqeystay, lana qaatay wixii hanti ah ee yaalay, kuwaasoo ku yaalay Tottheam.
Maxamed Gacal Maxamed waxa uu ka mid yahay dadka Soomaalida ee dhibaatadu ka soo gaadhay rabshadahan, waxaannu Idaacadda BBC-da u sheegay la dhacay gebi ajaanba wixii hanti ah ee dukaanka u yaalay, isla markaana la jajabiyay muraayadihii iyo alaabtii kale ee dukaanka.
 
Saamaynta Britian
Rabshada dhacay waxay ku soo beegmeen wakhti dhaqaalaha xukuumadda Britian la daalaa-dhacayso shaqo la’aan baahsan oo wadanka ka jirta, cashuuraha oo la kordhiyay iyo kharashaadka shacabka la siiyo oo la yaraynayo.