Kooxda Shabaab Oo Dagaal Ku Mirtay Xalay Muqdisho, Amakaaga AMISOM iyo Sheegashadii Shariif

Muqdisho (Berberanews)- Kooxda Al-shabaab oo maalintii Sabtida sheegtay inay xeelad dagaal uga baxday Muqdisho, ayaa xalay dagaal xooggan oo rogaal-celis ah ku qaaday deegaano badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.
 
Kooxda Al-shabab waxay xalay dagaallo kala gadisan ku qaadeen saldhigga Yaqshiid ilaa iyo jidka warshadaha, gaar ahaan agagaarka istaadiyoon Muqdisho, iyadoo degaannadaas ilaa saqdii dhexe laga maqlayey huganka iyo dayaanka rasaasta labada dhinac isweydaarsanayeen.
 
 Afhayeenka kooxda Al-shabab, ayaa faahfaahin ka bixiyay xeelado cusub oo dagaalyahannoodu addeegsanayaan iyo goobaha ay weerarka ku qaadeen xalay, “Cadawga waxaa ku qaadnay shan weerar, labo weerar kuwa Murtadiinta ah, saddex weerarna Gaalada, marka Mujaahidiinta kama aysan bixin magaalada oo waa joogaan, cadawgaas ayaa loogu tala galay inay naafeeyaan.”ayuu yidhi Cabdicasiis.
 
 
Afhayeenka Shabaabku waxaa uu sheegay inay laayeen askar ka tirsan dawladda oo boob ka waday Suuqa Tawfiiq  iyo Dugsigii Farsamada Jarmalka. Hadalka Afhayeenka ayaa kusoo beegmanay xilli madaxda dowladda KMG ah iyo taliska AMISOM ay shaaciyeen in Muqdisho 90% ay ka xoreeyeen Alshabab.
 
 
Ma jiro cid si dhab ah uga hadashay khasaaraha ka dhashay dagaalka xalay, hasyeeshee waxa la sheegay in ilaa saddex qof oo oo dhinacyda daagallamayey ah ku dhinteen daagalka, halka ilaa tobaneeyo qof oo kalena ku dhaawacmeen, iyadoo dagaalkana ay qaadeen kooxda Al-shabaab oo hore la isku lahaa way jabeen, kuwaasi oo xalay u muquday inay awood ballaadhan la soo baxay, kadib markii sida lagu soo warramay ay goobo badan ciidammada dawladda iyo kuwa AMISOM laga riixay, waxaanay wararku baaxeen in xalay xaalku ku xumaa ciidamada AMISOM iyo kuwa Sheekh Shariif, iyada oo ay meesha ka baxayso hadal-heyntii aheyd in Al-shabaab ay jabeen.
 
Ciidammada AMISOM, ayaa iyaguna dhinacooda sheegay inaanay illaa hadda fahmin ujeedada Al-shababaab ee dhawaqa bixitaankooda Muqdisho.
 
Berberanews.com
Muqdisho, Somalia
Email, info@berberanews.com