Daliban Oo Qudha Ka Jaray 31 Askari Oo Ka Mid ahaa Ciidammadii Khaarajiyay hoggaamiyihii Al-Qaacida ee Usama bin Laden.

KABUL (W.wararka)- Kow iyo soddon askari oo ka mid ah ciidammada khaaska ah ee Maraykanka, ayaa qudha laga jaray, kadib markii diyaarad helikobtar ah oo ay la socdeen ay toogteen ciidammada Daliban.
 
Ciidammada Maraykanka ka dhintay oo 20 ka mid ah ka tirsan yihiin ciidammada sida gaar ah u tababaran ee loo yaqaan Navy SEALs ee khaarajiyey hoggaamiyihii Al-Qaacida ee Usama bin Laden.

Diyaaradda ciidammadani la socdeen waxa la toogtay wakhti dambe oo maalinimadii Jimcaha ah, iyadoo ka qaybqaadanaysay weerar ciidammada NATO ku hayeen guri ay ku jireen malleeshiyo Daliban ka tirsan Gobolka Wardak la yidhaa.
 
Sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa xaqiijiyey in si lama filaan ah diyaaraddaasi u toogteen kooxo malleeshiyo ah, isagoo intaa ku daray in baadhitaan socdo. Sidoo kale, waxa warkaasi caddeeyey ciidammada NATO.
 
Dhinaca kale, kooxda Taliban ayaa sheegatay inay fuliyeen hawlgalkaas, kaas oo ay ku guulaysteen, isla markaana iyaga lagaga dilay 8 ka mid ah ciidammadooda.
 
“Waxay doonayeen inay weeraraan mujaahidiintayada oo ku jiray guri, laakiin mujaahidiintayadu waxay iska difaaceen oo waxay burburiyeen helikobtar kuwa hubka laga rido ah.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Taliban Zabihullah Mujahid oo telefoon ugu waramay Aljazeera.
 
 
 
Sources Jamhuuriya