Muqdisho: Caruur Macaluul iyo Naqafo dari Ugu Geeriyoodey

Ugu yaraan 12 caruur ah ayaa saddex maalmood gudohood xero ku taalla magaalada Muqdisho ugu dhintay nafaqa darro  iyo macluul.
Caruurtaasi waxay ka mid ahaayeen qoysas abaaruhu soo barakiciyeen oo dowladda KMG ah ay dejisay xero qaxooti oo lagu magacaabo badbaado.
 

Lahaanshaha: REUTERS

Maxamed Cali Geedow oo dhalay saddex ka mid ah caruurtaasi ayaa VOA u sheegay in caruurtiisu ay u dhinteen gaajo iyo nafaqo darri haysay, waxa uu sheegay in hooyadood ay ka hor dhimatay 16 cisho ka hor.
Dhimashadan waxaa la soo sheegayaa iyadoo maalintii shalay ahayd Qaramada Midoobay ay ku dhowaaqday in macluul ay ka dilaacday Muqdisho, Afgooye iyo gobolka Shabellaha Dhexe.
Qaramada Midoobay waxay horey ugu dhowaaqday gobollada Shabellaha Dhexe iyo Bakool inay ka dilaacday macluul.
 
Sources VOA