Midowga Yurub Oo Ku Dhawaaqay Dhaqaale Hor Leh Oo La Siinayo Goobaha Nabadgelyadu Ka jirto Ee Somalia Oo Somaliland Ka Mid Tahay

Brussels, (Berberanews)- Warbixin maanta oo jimce ah ka soo baxday Xarunta Midowga Yurub ee Brussels, ayaa lagu sheegay deeq lacageed oo dhan 175 million Euro oo lagu kordhin doono dhaqaale gaadhaya 248 million dollar oo hore loogu qoondeeyay horumarinta  midowga Yurub ku caawin doonaan dalkii layskii laysku odhan jiray Somalia.

Dhaqaalaha cusub ee Midowga Yurub ku yaboohay oo loogu talogalay addeegyada aas-aasiga ah ee bulshada sida waxbarashada, caafimaadka iyo dhismaha iyo xoojinta hay’adaha kala duwan waxay qayb ka tahay caawimada Midowga Yurub ugu tallogalay illaa sannadka 2013 oo ka dhigaysa 387 million oo euro ah.
Sida lagu faafiyay warbixin kooban oo uu soo saaray Andris Piebalgs oo xubin ka ah Gudida Horumarinta Midowga Yurub waxa lacagtan la siin doonaa goobaha nabadgelyadu ka jirto- sida Somaliland, Puntland iyo badhtamaha Somalia.
 
‘Somalia waxay ku jirtaa dhibaatooyin aadanimmo oo xun. Sababta ugu weyn ee aanu dhaqaalaha u bixinayno waxay tahay abaarta, laakiin xudunta sababeed waxay tahay dhibaatooyinka qotatada dheer ee dalkan daciifka ah[Somalia] .”ayuu yidhi Andris Piebalgs.
 
Berberanews.com
Email, ifo@berberanews.com