Ethiopia iyo Djibouti Oo Dabada Ka Riixaya Cunaqabatayn Dhaqaale Oo Qaramada Midoobay Saarto Ertrea



Berberanews-  Dalalka Ethiopia iyo Djibouti, ayaa dabada ka riixaya cunaqabatayn cusub oo qarammada Midoobay ku soo rogto dalka Ertrea, gaar ahaan cunaqabatayn laga saaro macdanta iyo cashuuraha ka soo gala xawilaada.
 
Sida laga soo xigtay diblomaasi ka hadlay qorshahan cusub, dalalka Ethiopia iyo Djibouti waxay doonayaan mid ka mid ah sadexda dal ee xubnaha  golaha ammaanka ugu jira Africa ee — Gabon, Nigeria ama South Africa inay ku soo qadimaan cunaqabatayn cusub oo la saaro Ertrea.
 Warbixin bishan ka soo baxday Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in Ertrea qorshaysay shirqool fashimay oo bishii January ay ku khalkhalinaysay shirkii Midowga Africa ee Adis Ababa oo ay ku badhtil-maameedsanayso lala goobo shacab iyo dawladeed.
 
Ertrea oo ka mid ah dalalka ugu faqiirsan adduunnka ee shacabkeedu ku nool yihiin wax ka yar hal doolar maalintii, waxa laga cabsi qabaa cunaqabatayn cusub  oo lagu bahdtil-maameedsan doono macdanta iyo xawaaladaha, iyadoo dhaqaalaha Ertrea ku xidhanyahay macdanta sida dahabka .
Waxa jira wallaac xoog leh oo ku saabsan cunqabataynta qaramada Midoobay doonayso inay ku soo rogto dalkaas, taasoo dhaawaci doonta in ka badan shan milyan oo ku nool faqiirnimada ka jirta Ertrea.
 
Ertrea oo xornimadeeda ka qaadatay dalka Ethiopia  1993, Qaramada Midoobey waxay cunaqabatyn saartay sanadkii 2009, ka dib markii lagu eedeeyay inay taageerto kooxda Al-shabaab ee dagaalka ugu jira inuu ka takhaluso dawladda reer galbeedku taageero ee Somalia.
Danjiraha Ertrea u fadhiya qaramada midoobey Araya Desta ayaa sheegay in qorshahan cusub ee cunaqabataynta kale looga dan leeyahay in lagu af-gembiyo xukuummaddiisa oo wata qorsheyaal dahsoon.
 
“Waxan ay qorsheynayaan ee cunaqabataynta dhaqaale waa mid gebi ahaanba aan la aqbali Karin  oo nacasnimmo ah. Ertrea waxba kama khuseeyaan waxkasta oo ay ku dhaleecaynayaan, waxan ay sammaynayaan waa qorshe ay Eithiopia wado oo dhaqaalaha iyo inay ku takoorto Ertrea siyaasiyan.” Sidaa waxa yidhi danjire Araya Desta oo ka hadlay qorshaha cusub ee dalkiisa cunaqabataynta lagu saarayo.
 
Danjiruhu waxa u sheegay in Ertrea iyo Djibouti arrimahooda u gudbiyaan Gudida Nabadgelyada Midowga  Africa, halka ay ka ka doorbideen golaha ammaanka qaramada midoobey.
 
Berberanews
Analysis