Eritrea oo codsatay in Loo Ogolaado IGAD Ka dib afar Sano Oo Ay Ka Maqnayd

Africa-(Berberanews)- Ururka ay ku bahoobeen dalalka Bariga Afrika ee IGAD, ayaa shaaca ka qaaday inay tixgelinayaan codsi uga yimi dalka Ertrea inuu dib ugu laabto xubinimadiisii, ka dib markii uu Ertrea uu ka baxay muddo affar sano laga joogo.
Xoghayaha Guud ee Urur-goboleedka IGAD Maxbuub Macalin ayaa warqad uu u qoray wasiirka arrimaha dibedda ee Eritrea Cismaan Saalax  ku soo dhaweeyay o’aanka waddankiisu qaatay.”Waan ku kalsoonahay in dalalka xubnaha IGAD, hey’adaha horumarinta la wadaagga ah IGAD iyo dhamaan dhinacyada IGAD  ay ku farxi doonaan in Eritrea ay ku soo laabato qoyska IGAD” ayuu yidhi Maxbuub.


Eritrea waxay IGAD ka baxday 2007, markii dalalka uu ka kooban yahay ee Kenya, Uganda, Djibouti, Ethiopia, Sudan iyo Somalia – ay taageereen faragelintii Ethiopia awooda kaga tuurtay  kooxihii islaamiyiinta ee Somaaliya.
Dadka indha indheeya siyaasadda bariga africa ayaa sheegaya in talaabada Ertrea qaaday ay ujeedadeedu tahay sidii ay uga hortegi lahayd cabsi kaga soo fool leh in qarammada midoobey xoojiso cunaqabateyntii lagu soo rogay 2009 markii Eritrea lagu eedeeyay inay taageerto al-Shabaab.
Qaramada Midoobay ayaa toddobaakii hore waxa ay Eritrea ku eedeeysay inay maleegeysay shirqool bam shirkii Midowga Afrika bishii january lagu qabtay Addis Ababa – taasi oo ay beenisay Eritrea.
Waxaa kale oo ay diiday eedeeymo ah inay hub si qarsoodi ah ugu dirto kooxda Islaamiga ee al-Shabaab.
 
Eritrea waxay xornimadeeda ka qaadatay waddanka Ethiopia sanadkii 1993 laakiin labada waddan waxaa dhexmaray dagaal ku saabsan muran dhinaca soohdinta labada dal oo socday 1998-2000.
 
Berberanews.com
Email, info@berberanews.com