Ciyaar yahanka u dhashay wadanka Ingiriiska David Beckham ayaa ka hadlay xaaladaha Abaaraha ka jira wadanka Soomaaliya iyo kan Gobolka Geeska Afrika.

(Berberanews):- Ciyaar yahanka u dhashay wadanka Ingiriiska David Beckham ayaa ka hadlay xaaladaha Abaaraha ka jira wadanka Soomaaliya iyo kan Gobolka Geeska Afrika, isagoo ku
baaqay in  Hay’ada UNICEF Afrika laga gacan siiyo sidii deeqo loo siin lahaa si ay wax uga qabato xaaladaha Abaaraha ka jiraSoomaaliya iyo kan Gobolka.
David Beckham oo booqasho ku tagaya dalalka Koonfurta Suudaan, Siraliyoon iyo dalal kale ayaa sheegay in xaalad Abaareed midkii ugu xumayd ay ka jirto dalal ay ka mid tahay Soomaaliya, waxa uuna ku baaqay in Hay’ada UNICEF lagu taageero dhaqaale fara badan si ay xaaladaha abaaraha
uga qeyb qaadato.
Waxa uu sheegay David Beckham in malaayiin dad ah oo u badan caruur iyo Haween ka barakacay abaaraha Soomaaliya ay gaadheen dalal badan oo dhowr ah si halkaasi ugu helaan Nabad geliyo iyo daryeel.
Caruurta Soomaaliyeed iyo kuwa Gobolka waxay dhexda uga jiraan abaar, Gaajo iyo Macluu ay u weyn tahay Caafimaad daro, qiyaastiina waa 2 Milyan oo Caruur Soomaaliyeed ah, waxaa jira
caruur intaasi dheer oo cabsi laga qabo” ayuu yidhi David Backham.
Ugu danbeyntii hadalka David Beckham ayaa imaanaya xili xaaladaha
abaaraha ka jira Soomaaliya iyo gobolka ay yihiin kuwo isa soo taraya isla
markaana Caalamka ay shaaciyeen in ay adag tahay wax ka qabashada Arrimaha
Abaaraha Soomaaliya.