Warbixin Daah-furtay Weeraro Dalka Eretriya U Maleegayay Shirkii Midowga Africa Ee Adis Ababa Ka Dhacay January 2011

Berberanews- Warbixin qaramada midoobay soo saartay ayaa daahfurtay qorshe dalka Eretriya doonayay inay ku shirqoolaan fadhigii dalalka ku bahoobey Ururka Midowga Africa eek u qabsoomay magaalada Addis Ababa bishii January 2011.
Kooxda la socodka Cunqabataynta Qarbka Qaramada Midoobey, ayaa dalka Ertria ku eedaysan inay maleegayeen weeraro lagu carqaladaynayay fadhigii midowga Africa ee sanadkan ka dhacay Addis Ababa, islamarkaana ay jiraan xubno sirdoonka dalkaas ka tirsan oo ku sugan dalalka Uganda, Kenya iyo Somalia si ay u carqaladeeyaan guud ahaan nabadgelyada mandaqada.
 
“Qorshuhu waxa uu ahaa mid lagu khalkhalgelinayo shirkii Midowga Africa ee Addis Ababa bishii January 2011, kaasoo sawir qaldan oo weeraro khasaare culus ah lala beegsanayay  dad shicib ah iyo istaraajiyad loo adeegsanayay walxaha qarxa si loo abuuro cabsi.” Ayay tidhi warbixintu
“Qorshaha Ertria waxa ka mid ah weeraro lagu qaado goobo ay ka mid yihiin Xarunta Midowga Africa, caasimadda Addis Ababa, laguna fuliyo bam gaadhi lagu rakibay , si madaxda Africa u kala jabaan.” Ayay warbixintu sheegtay.
Dadka weerarada fulinaya waxa u qorshaysnaa in lagu weeraro suuqa ugu weyn ganacsiga Africa si loo laayo shacab badan iyo inta u dhaxaysa xafiisyada Melez Senawi iyo hudheelka caanka ah ee Sheraton Hotel, halkaasoo madaxda dalalka Africa ku sugnaayeen intii lagu gudojiray shirka.
Dalka Ertrea waxay si ku-cel-celisa u beeniyeen ku lug-lahaanshaha weeraro ay la damacsanayd Addis Ababa, sida uu sheegay Wakiilka Qaramada Midoobey u fadhiga Araya Desta waxa uu warbixinta ku sifeeyay mid khayaal ah, oo uu ugu yeedhay “riwaayad la jilay” iyo nacasnimmo.

Warbixinta waxa kale oo lagu sheegay in Eritrea ay jabisay cunno-qabteynta hubka ee saaran Soomaaliya, iyadoo Qarammada Midoobay ay hore ugu soo rogtay Eritrea cunno-qabteyn kaddib markii lagu eedeeyay inay faragelin ku hayso arrimaha gudaha ee dalka Soomaaliya.

Xuquuqda warkan ilaali

Berberanews.com

Email, info@berberanews

Warbixin Daah-furtay Weeraro Dalka Eretriya U Maleegayay Shirkii Midowga Africa Ee Adis Ababa Ka Dhacay January 2011 

Berberanews- Warbixin qaramada midoobay soo saartay ayaa daahfurtay qorshe dalka Eretriya doonayay inay ku shirqoolaan fadhigii dalalka ku bahoobey Ururka Midowga Africa eek u qabsoomay magaalada Addis Ababa bishii January 2011.

Kooxda la socodka Qaramada Midoobey u qaabilsan Ertria iyo Somalia, ayaa dalka Ertria ku eedaysan inay maleegayeen weeraro lagu carqaladaynayay fadhigii midowga Africa ee sanadkan ka dhacay Addis Ababa, islamarkaana ay jiraan xubno sirdoonka dalkaas ka tirsan oo ku sugan dalalka Uganda, Kenya iyo Somalia si ay u carqaladeeyaan guud ahaan nabadgelyada mandaqada.

“Qorshuhu waxa uu ahaa mid lagu khalkhalgelinayo shirkii Midowga Africa ee Addis Ababa bishii January 2011, kaasoo sawir qaldan oo weeraro khasaare culus ah lala beegsanayay dad dad shicib ah iyo istaraajiyad loo adeegsanayay walxaha qarxa si loo abuuro cabsi.” Ayay tidhi warbixintu