Dadwweynaha Reer Gabiley Oo Mudaharaad Kala Hortegay Madaxweyne Silaanyo iyo Masuulliyiin Ka Tirsan Xisbiga KULMIYE Oo Loo Xidhay Inay Ku Lug Leeyihiin







Gabiley-(Berberanews)- Xoghayihii xisbiga tallada haya ee KULMIYE Mr. Cabdi Xaashi Aw Jaamac iyo Haybe Axmed Xirsi, ayaa maanta ciidammada boolisku xabsiga u taxaabeen, kadib markii sida la sheegay lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen mudaharaad galinkii hore ee maanta ka dhacay Gabiley oo lagaga soo horjeeday madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayo oo maanta magaalada Boorama kaga qaybgalay xaflad qallin jabin ah oo loo sameeyey ardayda wax ka baratay Jaamacadda Cammuud, ayaa markii uu gelinkii hore marayey magaalada Gabiley waxa jidadka magaalada isugu soo baxay dadweyne dhigayey mudaharaad ay kaga soo horjeedaan xukuumadda Siilaanyo iyo fulin la’aanta ballanqaadyadii loo sameeyey Gobolka Gabiley xilligii lagu jiray ololihii madaxtooyadda, iyada oo dadweynaha mudaharaadayey ay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid ahaayeen dooni mayno dawlad fadhiidh ah, isla markaana sida la sheegay waxay ku salaameen madaxweynaha Kabo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin abaal la’aanta madaxweyne Siilaanyo.

Sida dad xog ogaal ahi shebekadda Berberanews u xaqjiiyeen markii madaxweynuhu dhaafay magaalada Gabiley, ayaey boolisku qabteen xoghayihii guud ee xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabiley Mr. Cabdi Xaashi Aw Jaamac iyo nin ka mid ah taageerayaasha xisbiga oo lagu magacaabo Haybe Axmed Xaashi, kuwaasi oo lagu eedeeyey inay ka dambeeyeen mudahaaradka ka dhacay Gabiley, waxa kale oo sida la sheegay boolisku u yeedheen xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen mudaharaadka madaxweynaha lagaga soo horjeeday ee ka dhacay Gabiley,lamina oga in dadkaasi ilaa hadda xidhan yihiin iyo in xoriyadoodii loo celiyey.
Dhinaca kale sida wararku sheegayaan madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisii oo ka soo laabtay magaalada Boorama, ayaa soo gaadhay Gabiley, kuwaasi oo caawa u hoyan doonaa halkaasi,isla markaana Khamiista Beri ayaa la filayaa inuu dadweynaha reer Gabiley khudbad u jeedin doono, isaga oo caawana kulamo kala duwan la yeelan doona madaxda iyo waxgaradka Gobolka Gabiley, iyada oo la filayo in madaxweynaha loo soo gudbiyo waxyaabaha reer Gabiley ka tabanayaan xukuumadda cusub ee uu madaxweynuhu hoggaamiyo.

Gobolka Gabiley, ayaa ka mid ahaa meelaha madaxweyne Siilaanyo codadka ugu badan ka helay doorashadii 26 June 2011 ka dhacday dalka, iyada oo madaxweynuhu Gabiley ka helay codad gaadhaya ku dhawaad 30 kun oo cod, balse dadweynaha ku dhaqan Gobolka Gabiley, ayaa waxyaabo badan ka tirsanaya xukuumadda cusub, iyada oo arrimaha dadku ka cabayaan ay ugu muhiimsan tahay dhinaca saamiga reer Gabiley ka heleen dawladda cusub.

Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com