Liiska, Tirada iyo Magacyada Golaha Wasiiradda Xukuumadda Somalia

Muqdisho-(Berberanews)- Ra’iisal-wasaaraha dawladda taagta daran ee Soomaaliya Mr. Cabdiweli Maxamed Cali, ayaa soo saaray xalay cawayskii liiska golihiisa cusub ee wasiirrada oo muddo u xayirnaa khilaaf culus oo markale ka dhex curtay Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.
 
Liiska golaha wasiirrada Ra’iisal-wasaare Cabdiweli oo ka kooban 18 wasaaradood, masuuliyiinta loo kala magacaabay waxay kala yihiin sidan:
 
1-Axmed Xasan Gaboobe (Ugaas Bil) Wasiirka Wasaaradda Garsoorka Arimaha Diinta iyo Awqaafta.
 
2-Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim Ra’iisal-wasaare-ku-xigeen, ahna Wasiirka Arimaha Dibadda.
 
3-Xuseen Carab Ciise, Ra’iisal-wasaare-ku-xigeen, ahna Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga.
 
4-Cabdihaab Ugaas Xuseen Ugaas khaliif, Ra’iisal-wasaare-ku-xigeen, ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
 
5-Cabdisamad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga.
 
6-Dr. Cabdinaasir Maxamed Cabdulle, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagta.
 
7-Marwo Caasha Cismaan Caqiil, Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska.
 
8-Cabdillaahi Xaaji Xasan Maxamed Nuur, Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha.
 
9-Dr. Cabdicasiis Sheekh Yuusuf, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.
 
10-Cabdulqaadir xuseen Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaadhsiinta.
 
11-Maxamed Maxamuud Sheekh Xasan, Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Dhallinyarada iyo Isboortiga.
 
12-Cabdiraxmaan Sheekh Ibraahim, Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga, Khayraadka Badda iyo Bii’ada
 
13-Aadan Cabdillaahi Aadan, Wasiirka Wasaaradda Gadiidka, Cirka Dhulka, Badda iyo Dekedaha
 
14-Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil, Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Dib-u-heshiisiinta.
 
15-Jeylaani Nuur Iikar, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Dib-u-dhiska
 
16-Cabdulqaadir Maxamed Dhicisow, Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Batroolka
 
17-Prof. Axmed Ceydiid Ibraahim, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare
 
18-Cabdillaahi Goodax Barre, Wasiirka Wasaaradda Iskaashiga Caalamiga iyo Qorshaynta.
 
Geesta kale, magacaabista golaha wasiirrada xukuumadda cusub ee xalay lagu dhawaaqay, ayaa beryahanba u dabranayd khilaaf adag oo ka dhex dillaacay labada Shariif, kuwaasoo maalin walba wadahadli jiray, heshiisna ka gaadhi jiray waxyaabaha ay isku hayeen, balse saacado kadib marka la is yidhaa wasiirrada ha lagu dhawaaqo waxa dib uga dhex curan jiray khilaafyo kale oo labada masuul u dhexeeya, arrintaas oo jahawareer ku noqotay shacabka oo fahmi waayey halka labada Shariif wax u wadaan.
 
Ra’iisal-wsaaraha Soomaaliya ayaa isna ku dhex wareeray khilaafka aan dhammaadka laheyn ee labada Shariiif sida ay sheegayaan wararka laga helayo xafiiskiisa, isagoo quus ka jooga in xaaladu ay isbeddesho, waxaanna la sheegay in ra’isal-wasaaruhu ka walaacsanaa waqtigii loogu talogalay inuu ku soo magacaabo golaha wasiirrada oo ka sii dhammaanaya xilli muranka labada masuul sii socdo, balse xalay ayuu markii dambe ku guulaystay inuu si rasmi ah ugu dhawaaqo liiska golaha wasiirrada cusub.