Xaabsade muxuu ka yidhi in Xildhibaan Dhakool Al-Shabaab ku biiray?

Hargeysa (Berberanews)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan ku hawlan yihiin qorshe cusub oo ay wax kaga qaban karaan dilalka qorshaysan ee sida is daba-joogga ah sannadihii u dambeeyey uga socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.Wasiirka Warfaafinta oo Wargeyska Ogaal khadka taleefanka wax kagaga weydiiyey dil xalay ka dhacay magaalada Laascaanood, cidda loo tuhmayo inay ka dambaysy, qorshaha Xukuumadda Somaliland uga meel-yaalla inay wax kaga qabato amni-darrada iyo dilalka qorshaysan ee ka socda Laascaanood iyo waxa uu ka ogyahay Xildhibaan Dhakool oo ka soo jeeda Gobolka Sool oo la sheegay inuu Al-Shabaab ku biiray oo uu dalka ka baxsaday.
Wasiirka Warfaafinta, ayaa sheegay inay illaa hadda aanay joogsan oo ay socdaan dilalka xidhiidhka ah ka dhacayey saddexdii sano ee u dambeeyey magaalo-madaxda gobolka Sool ee Laascaanood, isla markaana dilalka socda uu u dambeeyey mid xalay dablay hubaysan oo madaxa duubtay ku dileen Haweenay ka tirsanayd Ciidanka Booliska Sool. “Dilkaasi waa jiraa, cidda loo tuhmayaana dee waa ciddii awalba dilalka sidan oo kale ah fulin jirtay ee nabad-diidka ah. dilalka.”  Sidaa ayuu yidhi Wasiir Axmed Cabdi Xaabsade oo ka jawaabayey su’aasha arrintaa dilka laga weydiiyey.
Mar uu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Md. Xaabsade, mar uu ka jawaabayey su’aan aannu ka weydiinnay waxa Xukuumad ahaan uga qorshaysan in ay wax kaga beddasho dilalka is daba-joogga uga socda Laascaanood, maaddaama oo ay soo noqnoqdeen weerarrada qorshaysan ee madax iyo shacabba lagu laynayaa, waxa uu yidhi; “Haa waannu ka leenahay qorshe cusub oo waannu ku guda jirnaa nidaam ka duwan qaabkii hore oo xal loogu helo sidii loo joojin lahaa dilalkaa muddada soo noqnoqonayey.”
Sidoo kale, Wasiirka oo aannu weydiinnay waxa uu kala socdo iyo sida uu u arko Xildhibaan Dhakool oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee ka soo jeeda Gobolka Sool oo toddobaadkii hore la baahiyey inuu dalka ka baxsaday oo uu Al-Shabaab ku biiray, waxaanu Xaabsade ku jawaabay; “Horto inaad wax isku qaladdaan maaha, arrintaana anigu ka hadli maayo ee isaga weydiiya….”
 
Xigasho Ogaal/