Madaxweynaha Dalka Yemen Oo Markii U Horraysay Telefiishanka Ka Hadlay Intii Ka Danbaysay Qaraxii Lala Beegsaday Bishii June

Yemen-(Berberanews)- Madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalle Saalax, ayaa markii u horraysay laga daawaday telefiishanka tan iyo intii ka danbaysay qaraxii bam ee lala beegsaday Madaxtooyadda Sanca 3 June 2011.
Madaxweyne Saalax oo gacmihiisu ku duubnaayeen baandhays, waxa uu sheegay inuu ka soo kabanayo qalliin caafimaad oo loola cararay dalka Sacuudiga, ka dib qaraxii lala beegsaday Madaxtooyadda oo lagu sammeeyey in ka badan sideed qalliin.

Madaxweynuhu waxa uu u soo jeediyay kooxaha ka soo horjeedaa inay miiska wada hadalka soo fadhiistaan, isagoo dhanka kalena ku eedeeyay kooxaha mucaaridku inay qalad ka fahmeen dimuqraadiyadda reer galbeedka.
 
Madaxweyne Saalax waxa uu soo dhaweeyay awood-qaybsi kooxaha mucaaridku kula qaybsadaan talada.“Maye ragga Ilaahay ka baqaya? Maxaa u diiday inay nala doodaan oo aanu wada gaadhno xal lagu qanacsanyahay.” Sidaa waxa yidhi Madaxweyne Salah mar uu la hadlayay kooxaha ka soo horjeeda.
 
Sidoo kale, hoggaamiyayaasha dalalka reer galbeedka, ayaa la sheegayaa inaanay Danni ugu jirin Madaxweynaha dalka Yemen inuu xilka ka tago, sida ay u taageersanyihiin kacdoonnada affarta billood ka socda qaar ka mid ah dalalka Carbeed, waxaana la sheegayaa inay reer galbeedku ka cabsi qabaan haddii Cabdalle Saalax ka tago in hoggaanka dalku gacanta u galo kooxo dhinaca diinta ku adag oo ka soo horjeeda dannahooda.
 
Berberanews.com
Email, info@berberanews.com