Gabadh ka shaqaynaysay horumarinta Nabadgalyada Gobolka Sool oo Caawa lagu Toogtay magaalada Laascaanood

Laascaanood(Berberanews)- Haweenay u dhaq-dhaqaaqi jirtay arrimaha nabadgalyada iyo horumarka gobolka Sool oo lagu magacaabo Nadiifo Maxamed Col-u-Joog, ayaa caawa Dablay hubaysan oo aan la aqoonsan cidda ay yihiin ku toogteen badhtamaha Suuqa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaas.
Sida ay Shabakadda wararka ee Berberanews u xaqiijiyeen qaar ka mida dadkii goobta toogashadu ka dhacday, Haweenaydaas ayaa lala beegsaday Rasaas tiro badan oo qaarkeed Madaxa iyo Halbawlayaal jidhkeeda ka mid ah, taasoo la sheegay in iyada oo dhaawac culus qabta isla fiidkii caawa loo soo qaaday Cusbitaalka guud ee magaalada Burco, halkaas oo lagu dawaynayo, iyadoo sida la sheegay Koomo ama xaalad Miir la’an ah ku jirta.
Saraakiil ka tirsan kuwa Ciidammada Ammaanka Gobolka Sool oo ay Berberanews isku dayday inay toogashadaas wax ka weydiiso, ayaa ka gaabsaday inay arrintaa wax war ah ka bixiyaan, isla markaana waxay sheegeen in kiiskaasi sidii uu u dhacay la baadhayo.
Marwo Nadiifo Maxamed oo hadda dhaawac culus ah, ayaa la sheegay inay xaaladdeedu culus tahay, isla markaana lagu dawaynayo Cusbitaalka magaalada Burco. Iyada oo dhinaca kalena ay wararku sheegayaan in ammaanka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool si weyn loo adkeeyey, isla markaana Ciidammada Boolisku ay ku hawlan yihiin baadhitaanno kala duwan oo ay Laascaanood gudeheeda ka wadaan, inkasta oo sida la sheegay aan la aqoonsan cidda Haweenaydaa dilka u geysatay oo la sheegay inay Rasaas badan ku rideen Gabadhaas.
Si kastaba ha ahaatee, Magaalada Laascaanood ayaa xarun u noqotay dilalka qorshaysan ee aan la aqoonsan cidda fulinaysa, isla markaana tan iyo saddexdii sano ee la soo dhaafay waxa si is daba-joog ah uga socda dilal qorshaysan oo qaarkood lagu khaarajiyey Masuuliyiin kala duwan oo Madax ka ahaa Hay’adaha dawladda sida Ciidammada Maxkamadaha iyo kuwo kale, halka Madaxbadan dhaawacyo kala duwan loogu geystay, weerarro fashilmay iyo kuwo aan Illaahay waxba ku yeelin ciddii loogu talagalay in lagu dilo ayaa ka socda, kuwaasoo qaarkood ay ka badbaadeen Madaxda Gobolka, gaar ahaan Badhasaabka Sool iyo Ku-xigeenkiisa, halka Badhasaabkii hore ee Sool dhaawac loo geystay.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.