Madaxweyne Silaanyo Oo $25000 Kun Oo Dollar Shuruud Uga Dhigay Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda

Hargeysa –(Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa  wax-ka-bedel ku sammeeyay qodobo ka mid ah Xeerka doorashada axsaabta Somaliland, kaasoo shuruud uu uga dhigay in nin kasta oo doonaya inuu urur-siyaasadeed furtaa ay waajib ku tahay inuu bixiyo lacag dhan $25000 oo dollar oo diiwaangelin ah, halka uu markii hore ka ahaa $8000.
Wareegtada Madaxweynuhu soo saaray oo laga horakhriyey fadhi wadajir ah oo labada gole ee Wakiillada iyo Guurtida ka yeesheen shalay ansixinta xilka-qaadistii Guddoomiyaha Maxkamadda sare, waxa ugu horreyn digreetada uu ku oggolaaday furashada ururrada siyaasaddu iyo qodobada uu wax-ka-bedelka ku sammeeyay u qornayd sedan:
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu arkay qodobada 90, 22, 23 iyo 32-aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu tixgeliyey taladii ay soo jeediyeen guddigii qaran ee ka talo-bixinta ururrada siyaasadda wuxuu go’aansaday;
In ururrada siyaasadda la furo oo loo oggolaado inay ka qaybqaataan tartanka doorashooyinka dawladaha hoose si waafaqsan shuruucda dalka.
Sidaa daraadeed, waxaan halkan idiinku soo gudbinayaan xeerka nidaamka axsaabta Lr.14/2001 si aad wax-ka-beddel iyo kaabis ugu samaysaan, si ay fursad ugu helaan ururrada siyaasadeed inay ka qaybqaataan doorashada degaanka.”
Sidoo kale, waxa fadhigaas Xoghayaha Guud ee Wakiilladu uu ka akhriyey qayb ka mid ah qodobadda wax-ka-beddelka uu ku sameeyey Madaxweyne Siilaanyo ee shuruudaha isdiiwaangelinta iyo soo bixida ururro cusub oo siyaasadeed ka muuqdaan.
Qodobada ugu muhiimsan ee Madaxweynuhu wax-ka-beddelka ku sameeyey iyo qaabka uu u soo jeediyey in loo beddelo waxa ka mid ah;
“Qodobka 3aad: qabadashada codsiyada diiwaangelinta; bixinta deebaaji (lacagta diiwaangelinta) dhan 150 milyan oo shillinka Somaliland ah oo u dhiganta $25,000 (shan iyo labaatan kun oo dollar).
Qodobka 4aad: xisbiyadda siyaasadeed ee ku-meelgaadhka ah; saddexda urur/xisbi ee doorashada dawlaha hoose ku hela ugu yaraan 20% codadka gobol kasta ee noqda kuwa ugu sarreeya ayaa loo aqoonsanayaa saddex xisbi siyaasadeed oo qaran, lana siin doonaa shahaadada aqoonsiga xisbi qaran.
* Haddii hal urur/xisbi oo keliya ku guulaysto doorashada oo uu helo 20% codadka gobol kasta guddigu waxay u aqoonsanaysaa xisbi siyaasadeed isaga iyo labada urur/xisbi ee ku xiga codadka gobolkaas.
* Haddii ay is le’ekaadaan tirada codadka laba urur/xisbi ama ka badan waxa lagu celinayaa tartaka ururrada/xisbiyada markale oo ay Guddiga Diiwaangelintu cayinto,” ayaa lagu yidhi digreetada Madaxweynaha.
 
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com