Shirkii Widh-widh oo 21-ka bishan furmaya iyo Shirar gogosha nabadeed qayb ka ah oo bilaambay

Hargeysa(Berberanews):- Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw-Daahir Cali, ayaa ka warramay shirka gogosha nabadeed iyo turxaan bixinta ee la filayo inuu ka dhaco degmada Widh-widh Maalinta Berri ee 21-ka bishan June.

 

Wasiirka oo maanta shirjaraaid ku qabtay huteel City Plaza ee magaalada Burco, ayaa sheegay inuu rejaynaayo  inuu shirkaasi noqdo mid midho dhal ah, isla markaana laguna dhammeeyo wixii tabashooyin ah ee jira. Wuxuu Wasiirku intaa ku daray in shirka Widh-widh ay ka soo qaybgali doonaan Ergooyin fara-badan oo ka kala socdaa degaannada Buuhoodle iyo Widh-widh.

 

“Beryahanba waxa jiray shir aannu u gogol xaadhaynay nabaddayntii iyo gogoshii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), shirkaasi waxa uu si rasmiya u furmayaa bisha 21-keeda, wuxuu ka furmayaa magaalada Widh-widh. Shirkaa waxa isugu iman doona xoogweynaha Beelaha Dhulbahante, gaar ahaan Dhulbahantaha oogo, sida aan warka ku hayo waxa meesha timid Ergo fara-badan oo ka timi aagagga Widh-widh iyo inta ku xeeran.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Xannaanada Xooluha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir oo hoggaaminaya Wefti Xukuumaddu u dirtay shirkaas.

 

“Kollay ajande ayaa  shirka loo samayn doonaa, shirku waa kii uu Madaxweynuhu gogoshiisa dhigay wixii la kala cabanayo ee jirta in halkaa lagu xalliyo ayaannu ku rejoweynahay. Inay u noqoto saldhig nabad u noqda oo bilow ah in aanay intaa ku dhammaanin. Maaho kaliya shirkaasi waxa socda ee shirar kale waxay ka socdaan Laascaanood, markaa gogoshan waa gogoshii ugu horaysay maaha gogoshii ugu dambaysay . “ ayuu si raacayay hadalkiisii.

 

Sida la ogyahay shirweynaha gogosha nabada ee Widh-widh waxa uu ka dambeeyay baaqi nabadeed ee Madaxweynuhu Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u jeediyay beelaha Beri-ga Somaliland gaar ahaan degaanada Sool, Sanaag- bari iyo Buuhoodle, waxaana gogoshaas  dib loogu eegi doonaa wixii tabashooyin ah ee ay Beelahaasi qaban.

 

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.