Maamulka Shirkadda GULF PETROLEUM oo Meesha ka Saaray inay la Wareegeen Haamaha Shidaalka Berbera

Berbera-  (Berberanews)- Madaxda iyo Masuuliyiinta Shirkadda GULF PETROLEUM TRADING CAMPANY, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar uu sheegay in dhawaanahan la isla dhex-marayey oo sheegaya in Shirkaddaas lagu wareejiyey maamulka Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera, isla markaana ay si toosa ula wareegi doonto hawlihii Shirkadda Total qaban jirtay.

Maareeyaha iyo Guddoomiyaha Shirkaddaas ee Somaliland Maxamed Yuusuf Cismaan, Guuleed Jaamac Faarax iyo Madaxa Suuq-geynta iyo xidhiidhka dadweynaha ee shirkaddaas Rooda Axmed Yaasiin, oo Maanta Shir Jaraa’id oo ay arrintaa kaga hadleen ku qabtay Xafiiskooda magaalada Berbera, ayaa ku dooday inay Shirkaddoodu Shirkadaha kale ee dalka ula siman tahay tartanka ay Xukuumaddu sheegtay inay u qaban doonto shirkadaha danaynaya maamulka Haamaha kaydka Shidaalka iyo sidoo kale keenista Shidaalka, ka dib markii ay Somaliland ruqsaddii oggolaanshaha kala noqotay Shirkadda Total oo 11 sano ah maamulaysay. Waxaanay sheegeen in Shixnadda ugu horreysa ee Shiidaal ah ay laba toddobaad ka dib uu Markabka sidaa ku soo xidhan doono Dekadda magaalada Berbera. Kaasoo ay Masuuliyiintu sheegeen inuu qiimo ahaan ka jabnaan doono Sicirkii ay Total Shidaalka ku iibin jirtay, tayo ahaanna ka fiicnaan doono.

Maareeyaha GULF PETROLEUM TRADING CAMPANY Mr. Maxamed Yuusuf Cismaan oo ugu horreyn shirkaa Jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay inaanay habboonayn in Shirkadda Gulf dusha laga saaro arrin aanay shaqo ku lahayn. “Shirkayagan jaraa’id waxa kallifay arrin xasaasi ah oo aad mooddo inay si is-daba joog ah ugu faafayso waddanka, taasoo ku saabsan Shirkaddan Gulf Petroleum Trading. Gulf Trading waad la wada socotaan oo dhawaan ayey dalka Somaliland ka bilawday Ganacsigeeda, hase yeeshee, waxaannu suuqa ka ogaannay ama  dad badani noo sheegeen ama anigu shaqsiyan waxaan Saxaafadda qaarkeed ku arkay in la baahinayo warar sheegaya in lagu wareejiyey maamulkii Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera Shirkadda Gulf Petroleum Trading Co.. Maanta, waxaannu si rasmi ah halkan uga caddeynaynaa si bulshadu u ogaato oo aanay arrintaasi mugdi uga galin in Shirkadda Gulf Petroleum aanay jirin wax lagu wareejiyey oo ah Haamaha kaydka Shidaalka ee Berbera.” Maareeyaha GULF PETROLEUM TRADING CAMPANY Maxamed Yuusuf Cismaan.

Maxamed Yuusuf, oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Haamaha Kaydka Shidaalka sida la wada ogyahay dawladda Somaliland ayaa immika gacanta ku haysa, dawladduna markay la wareegaysay nidaamka ay ugu talagalay way sheegtay, welina iyada ayaa sidii gacanta ugu haysa, wax go’aan ah oo cid lagu siiyeyna weli kamay gaadhin. Sidaa darteed, waxaannu dadweynaha la socod siinaynaa in Shirkadda Gulf Trading ay ula siman tahay uun adeegga isticmaalka Haamaha Kaydka Shirkadaha kale ee dalka oo wax ka duwan annagu aannaan doonin. Marka dawladdu go’aan ka gaadho  haddii dawladdu ay garato in lagu wareejiyo cid, sida ay dawladdu sheegtay tartanka Qandaraaska inay Shirkadda Gulf danaynayso inay ka qaybgasho Qandaraaskaas Shirkaduhu ugu tartamayaan Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalka si sharciyan ah.”
Maareeyaha Shirkadda Gulf, mar uu ka hadlayey muhiimadda arrintan ay shalay shaaciyeen, wuxu yidhi; “Sidaa darteed, waxaannu dadweynaha maanta la soconaynaa inaan cidna wakhti kaga lumin, cidna aan lagu maaweelin, cidna lagu wareerin Gulf baa Haamaha kaydka maamulkoodii lagu wareejiyey. Arrintaasi waa arrin aad iyo aad muhiim u ah inay dadku ogaadaan, waa arrin aad muhiim u ah inay shirkadaha kale ee dalku ogaadaan, annagana waxaan jirin in dusha nalaga saaraa nama qabato. Markaa, maanta waxaannu saxaynaa wixii hore Rikoodhka u galay inaan waxba ka jirin, warka rasmiga ah ee lagu dhaqmayaana yahay kaa aannu maanta idiin sheegayno.”
Sidoo kake, Guddoomiyaha GULF PETROLEUM TRADING CAMPANY Mr. Guuleed Jaamac Faarax, oo isaguna shir Saxaafadeedkaas ka hadlay, ayaa sheegay inaanay  Shirkadda Gulf Petroleum ahayn mid la kawsatay erigi Shirkadda Total, shaqo ay qaban jirtayna lagu wareejin, hase ahaatee, ay tahay mid hawsheedu muddo soo socotay. “Shirkaddan Gulf Pertoleum Trading Company, maaha mid la kawsatay erigii Somaliland meesha kaga saartay Shirkaddii Total, laakiin waxaannu isku daynay inaannu dalka ka aas-aasno  Shirkaddan 27-kii August 2006, balse waxa naga horjoogsaday Xukuumaddii Rayaale oo tiraba laba jeer si badheedh ah noogu diidday inay noo oggolaato keenista Shiidaalka. Hase ahaatee, 14-kii bishii 5-aad 2011, ayaa Wasaaradda Ganacsiga Somaliland keenista Shidaalka ruqsad noo siisay, markaa waxaan idiin sheegayaa inaanay Gulf Petroleum ahayn mid markii Total la eryey meesha soo gashay ee muddo badan ayey hawsheedu soo socotay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Gulf Petroleum Guuleed Jaamac Faarax.

“Waxaannu doonaynaa inaannu maanta dadka ka masaxno haddaannu Shirkadda Gulf Petroleum oo Xafladdeedii furitaanka aannu qabannay 1-dii June, waxaannu caddeynaynayaa inaanay jirin haba-yaraatee in nagagu wareejiyey maamulka Haamaha kaydka Shidaalka ee Berbera. ee waxaannu ula simannahay Shirkadaha kale ee ka Ganacsada Shidaalka.immikana maamulka Haamaha Shidaalka Berbera waxa gacanta ku haysa dawladda Somaliland, Xukuumadduna markay soo bandhigto in tartan loo galo, waxaannu ula simannahay shirkadaha u tartami doona, taasina waa wax aannu xaq u leenahay Sida shirkadaha kale. Laakiin, wax annaga gaar naloo siiyey ma jirto.” Sidaa ayuu yidhi Guuleed Jaamac Faarax.
Rooda Axmed Yaasiin, oo ah Madaxwa xidhiidhka dadweynaha iyo Suuq-geynta GULF PETROLEUM TRADING CAMPANY, oo iyaduna halkaa ka hadashay, ayaa sheegtay ujeeddada loogu maleeyey in Shirkadda Gulf in la siiyey maamulka Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera, ay tahay xilliga furitaankeedu ku soo beegmay oo ahayd wakhti kala guur ah oo Shirkaddii maamulaysayna Ruqsadda lagala noqday, mid kale oo lagu wareejiyeyna jirin. Intaa ka dib, Masuuliyiinta Shirkadda Gulf Petroleum waxa Weriyayaashu weydiiyeen su’aalo la xidhiidha arrinta ay ka hadleen, su’aalihii la weydiiyey iyo jawaabihii ay ka bixiyeena waxa ka mid ahaa.

 
S: Marka laga yimaaddo hadal-hayntaas aad ka hadasheen, waxa jira xan suuqa idiinku jirta oo tilmaamaysa in Shirkadda Gulf Petroleum ay qayb ka yihiin Sheer ku leeyihiinXubno ka tirsan Xukuumadda Somaliland, arrintaasi ma jirtaa?
J: Horta, Xantu way fara badan tahay, gees walbana waa loo dhigay oo waata ka liftay War-Saxaafadeedkayagan waa arrintaasi. Haddii-se runta aan ka sheego su’aashaa aad I weydiisay Gulf Petroleum waa Shirkad ajanab ah, laakiin waxay Shuraako yihiin dad muwaaddiniin ah oo reer Somaliland ah, sidaannu hore u sheegnayna waxay deggan tahay Dubai. Hase ahaatee, iyada oo maanta kaashanaysa dad reer Somaliland ah ayay Ganacsigeedii u soo wareejisay Somaliland, iyada oo hore-ba meelo badan oo Afrika ka mid ah ka Ganacsan jirtay. Waxaan-se idiin sheegayaa arrintaas Weriyuhu I weydiiyey lafteeda wax ka jiraan ma jirto. Dawladduna kuma jirto Shirkadda Gulf ee dadku sidaa ha u ogaadaan. Inaanay Xukuumaddu ku jirinna aniga ayaa tusaale u noqonaya oo UDUB baan ka tirsanahay, markaa deg-deggaasi ma dhici karo.
S: Waxaad sheegteen inaad Xukuumadda Somaliland heshiis la gasheen, haddaan noo faahfaahisaan waa maxay nooca heshiiska aad Somaliland la gasheen?
J: Heshiiska aannu la galnay dawladda Somaliland waa mid ku saabsan Shiidaal keenista ama soo rogista Shidaalka, waayo marka uu qofku Ganacsade yahay ee uu dawladda codsi u qorto inuu wax keeno, sharcigana waafajiso oo heshiis la gasho. Markaa, annaga heshiiskayagu waa kaas, sharcigiina waannu marnay.
S: Waxa jira Shirkado badan oo danaynaya inay tartanka Qandaraaska Maamulka Haamaha lagu bixinayo inay ka qaybgalaan sidiinna oo kale, intaana maalinba mid baa la xamanayaa oo la leeyahay Shirkad heblaayo ayaa lagu wareejinayaa, taa Xukuumaddaa watadata, markaa waa maxay waxay idinka Gulf ahaan sida gaarka ah idiinku damaqday?
J: Waxa sida gaarka ah noo damqay waxa weeye, dadku kolba muuqaal bay wax ku qiimeeyaan, muuqaalkii shaaraca ee ay dadku arkeen, waxay u muuqatay inaannu nahay Shirkad ka awood weyn kuwa kale, markay eegeen qaabkaannu u soconno, Furashada Xafiisyada,Maamulka iyo iinkaaniyaadka iyo xilliga xasaasiga ah ee furista shirkaddu ku soo beegmay. Waxaanay taasi keentay inay dadku na bidaan ama noo arkaan inaannu nahay Shirkadda lagu wareejiyey maamulka Haamaha.
Waxaanan caddeynayaa xilligan xasaasiga ah ee Shirkaddu ku soo beegantay furitaankeeda ayuun baa ku soo beegmay, laakiin Sharciyadda Shirkadda, hawleheeda iyo dhismeheedu wuu ka horreeyey.
 
 
 
Berberanews.com
Berbera, Somaliland
Email, info@berberanews.com