Ciidammada Booliska Laascaanood Oo Xabsiga U Taxaabay Maayarka Magaalada

Laascaanood-(Berberanews)- Warar naga soo gaadhay magaalada Laascaanood, ayaa shebekadda Berberanews u xaqiijiyay in  ciidanka booliska Somaliland xabsiga u taxabeen Maayarkii magaalada Laascaanood  Mr. Axmed Aw Daahir.
Ma jiro war rasmiya oo laga soo saaray xadhiga maayarka, haseyeeshee saraakiil ku sugan laascaanood oo aanu xidhiidh la sammaynay ayaa sheegay in xadhiga maayarka lala xidhiidhinayo falal shirqoolo iyo qaraxyo sannadihii u danbeeyay ka socday magaalada inuu ku lug leeyahay.
Warku waxa uu intaa ku daray in ciidammadu ka so qabteen maayarka meel dhinaca hawd kaga beegan magaalada Laascaaood, halkaasoo uu mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa, islamarkaana la sheegay inuu kula kulmay qaar ka mid ah horjoogayaasha kooxda nabad-diidka SSC.
sannadihii u danbeeyay waxa magaalada Laascaanood ka dhacay falal qaraxyo qorshaysan oo lagu dilay saraakiil ka tirsan xukuumadda Somaliland, kuwaasoo illaa haatan aanay jirin cid loo qabtay dembiyadaas dilalka ah.
Berberanews.com
Laascaanood