Manchester United Oo Doonaysa In ay Nani U Isticmaasho Saxiixa Ciyaar Yahan Wesley Sniejder.

Xidiga Kooxda United Nani ayaa lala xiriirninayay in uu qeeb ka noqon doono heshiiska kooxda shayaadiinta Cas Cas ku dooneyso in aay kula soo saxiixato Sneijder, United ayaa si ba’an loola xiriirinayay 26-jirkaas  heerka caalami oo lagu qiimeeyo aduun lacageed oo gaaraya  £30million .
Xidigii hore ee Madrid ayaa kaliyah  saxiixay heshiis 5-sano ah horaantii sanadka, laakiin Inter Milano ayaa dhankeeda iyadana xiiseeyneeysa Nani,  kadib markii aay ka war heleen in Ashley Young u dhaqaaqayo Old Trafford, deetana aay suurta gal tahay In Nani uu tago San Siro, Halka Sneider uu jihada kale abaari doono.
Wargeeyska Independent ayaa ku waramaya in Nani uu ciyaaray kulankii ugu danbeeyay ee kooxdiisa, in kastoo uu xili wanaagsan ku soo qaatay tartamada, Nani ayaa loogu codeeyay in uu yahay ciyaar yahanka sanadka ee Man United,  isagoona si waanagsan u dhaliyay 13 Goal , halka 17 marna uu caawiye ka ahaan Goalal aay ciyaartooyda Man dhaliyeen xilli ciyaareedkii u danbeeyay.
Sneider oo loo saadaalinayo in uu u badal wanaagsan u yahay Scholes, ayaa hadana Chelsea cijiyaha ku dagaalami doontaa United saxiixa ku aadan laacibkaas oo fura u noqon kara hadba naadigii uu u dhaaqaaqo.
Mustafe Maxamuud Diiriye “kastam”
shaafici_3@hotmail.com