Shirweynihii Afraad Ee Ururka Dhakhaatiirta Somaliland Oo Hargeysa Ka Furmay

Hargeisa (Berberanews)- Shirweynihii Afraad ee Ururka Dhakhaatiirta Somaliland (Somaliland Medical Association SMA) ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Hoteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa.
 
Furitaankii shirkan ayaa waxa ka qayb-galay khudbadana ka jeediyay Wasiirka Wasaaradda Caafimaad Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuseen Xoog), Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi AW Daahir, Chief Of Protocalka Madaxtooyada Md. Maxamed Cilmi Aadan iyo Dr. Garaad oo ah Gudoomiyaha Guddida Qaban-qaabada shirweynaha 4-aad ee Ururka Dhakhaatiirta Somaliland.
 
“Waxa farxad wayn ii ah in maanta aniga oo Wasiir ah, hogaanka ururkana ka tirsan aan ka qayb-galo shirweynaha 4-aad ee Ururka Dhakhaatiirta.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland. Dr. Xoog.
 
“Dhakhaatiirta Somaliland waa mutadawiciin, dadkeenuna waxay moodayaan in lacag badan laga qaado oo waxay rabaan wax walba in bilaash looga dhigo, la yaab malaha ee wadanka lacagi ma taalo,waxaana la soo arkay dawladii ingiriiska ee ina gumaysatay iyo tii ka dambaysay ee caafimaadku bilaashka ahaa. Way dedaaleen dhakhaatiirta Somaliland waxay ka soo qayb-qaateen marxaladihii adkaa ee wadanka, haday tahay tii halganka iyo haday tahay burburkii ka dambeeyayba xaaladihii adkaa ayay dadkooda kala soo dabaasheen. Waxa  ii muuqata maanta in shirweynahani yahay kii ugu badnaa ee hablo tiradan leeg ay ka soo qayb-galaan oo dhakhaatiir ah, Ardaydii Jaamacadaha Camuud iyo Hargeysa ayaan arkaa.” Ayuu hadalkiisa ku ladhay Wasiirka Caafimaadku. Waxaaana uu ammaanay Dr. Cabdi Aw Daahir oo wakhti dheer wasiir ka soo ahaa caafimaadka xiligii xukuumadii Marxuum Cigaal, isaga oo ku bogaadiyay sida uu ugu sameeyay qaab-dhismeedka shaqo Wasaarada ee uu u dejiyay oo uu xusay inay ka dhaxleen oo ay caawisay.
Waxa kale oo isna madashaasi ka hadlay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir oo ka dhawaajiyay in loo baahan yahay in laga maarmo oo la dabaalo dhamaan baahiyaha caafimaadka si ay inoogu madhaxdo buu yidhi lacagaha adag ee Itoobiya iyo wadamada Carabta ay dadkeenu caafimaadka ugu tagaan. “Dadkeena hadii lagu yidhaahdo waxa lagugu qalayaa &200 oo Dollar way naxayaan oo waxay ku sheegayaan lacag badan, dhakhtarka Itoobiyaanka ah ee $5000 oo Dollar ku soo qalaana lama yaabayaan oo waxay u arkaan wax iska caadiya, waxay isleeyihiin waa inamadiinii iyo Hablihiinii dhakhaatiirta reer Somaliland oo lacagta la waydiiyo way la yaabaan. Waxaan tagay ingiriiska check up ayaan maray 15000 oo pound ayaa layga qaaday, waxa dhamaay dhakhtar Ismaaciil oo gurigayga igu daweeyay dhakhtarkii aan Ingiriiska ugu tagay.” Ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir oo ammaan badan huwiyay dhakhaatiirta Somaliland, waxa kale oo uu bogaadiyay dhakhaatiir lacag iska ururiyay oo dhisanay dhisme casri ah oo lacag badani ku baxay,si ay ugu fuliyaan adeegyada bulshada goob ku haboon.
 
Dr. Cabdi Aw Daahir waxa uu sheegay in xukuumada Siilaanyo ay ku jiraan 3 Dhakhtar Wasiirada iyo Hal Agaasime, sidaasi darteed ay ururka dhakhaatiirtu nasiib u heleen inay xukuumad u dhego-nugul helaan.
 
Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Chief Of Protocalka Madaxtooyada Md. Maxamed Cilmi Aadan oo isna farta ku fiiqay in ururka dhakhaatiirtu ka fekeraan sidii ay u horumarin lahaayeen ururkooda, isaga oo uga waramay waayo-aragnimada dheeriga ah ee uu u leeyahay qaabka loo dhiso, loona kobciyo horumarka ururada, kana mid ahaa xubnihii dhidibada u taagay Hay’ada wadaniga ah ee Havayoco oo wakhtigan xafiisyo ku leh wadamada Ingiriiska, Itoobiya iyo weliba Kiiniya, sidaasi darteed loo baahan yahay in qorsheyaal waxqabad loo dejiyo iyo himilooyin fug ururka dhakhaatiirta si uu uga taabo galo dhamaan wadanka, una buuxiyo baahidii loo sameeyay inuu daboolo.
Maxamed Cilmi Aadan waxa uu u soo jeediyay dhakhaatiirta iyo ururkoodaba inay xukuumada iyo wasaarada ay iyagu leeyihiin ee caafimaadka ka caawiyaan sidii loogu samayn lahaa xeerar caafimaad, loona caawin lahaa goobaha adeegyada bulshada ee caafimaadka.
 
Ugu dambayntii waxa si toos ah loo guda-galayaa isla maantaba ajandaha shirka, kaasi oo lagu dooranayo maalinta burrito ah hogaankii ururka ee shanta sano ee soo socda hadii Alle ka dhigo.