Guddida Tallo-bixinta Furashada Ururada Siyaasadda Oo Cayimay Wakhtiga Kama Danbaysta Ah Ee Ay Ku Dhawaaqayaan Natiijada

Hargeysa-(Berberanews)- Guddidii Madaxweynuhu u saaray Tallo-bixinta furashada ururada siyaasadeed, ayaa  shaaca ka qaaday wakhtiga kama danbaysta ah ee ay ku dhawaaqi doonaan natiijada ka soo baxday rayi-ururin ay ka qaadeen lixda gobol ee Somaliland.
Guddoomiye-ku-xigeenka Guddida Tallo-bixinta Maxamed Cabdillaahi Ducaale (Ilkacase) oo maanta xogwaran gaara siiyay HCTV, Berberanews iyo wargeyska Jamhuuriya, ayaa daboolka ka qaaday inay todobaadka soo socda ku dhawaaqi doonaan natiijada kama danbaysta ah ee uga soo baxday xog ururintii ay mudada soo wadeen, islamarkaana ay Madaxweynaha u gudbin doonaan.
Guddoomiye-ku-xigeenku waxa uu sheegay inuu Ilaahay ka rajaynayo natiijada ka soo baxdaa go’aankoodu inuu noqdo mid lagu wada qanco oo ummadda Somaliland u horseeda horumar.
Guddoomiye-ku-xigeenku waxa uu ha hadlay hakadkii ku yimi natiijadooda oo la filayay hadda ka hor inay ku dhawaaqaan, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Sidaad ka warqabteen Guddidii Madaxweynuhu u saaray ka-talo-bixinta ururadasiyaasadda waa laga war sugayay, waxaana ka warqabteen oo isugu keen danbaysay markii Madaxweynuhu naga codsaday in 18ka may, maadaama ay ahayd 20 guurada ka soo wareegtay gooni isu taaga Somaliland ee la soo noqoshadii madaxbannaanideeda in munaasibadaas awgeed inaanu yara hakino, sii fiicana way u qabsoontay oo qurbojooga iyo dadka guduhuba midnimo weyn bay muujiyeen si fiicana way uga  qaybgaleen, waana wax Ilaahay loogu mahad naqo.”
Maxamed Cabdillaahi waxa uu ka hadlay baaxadda hawsha loo xilsaaray iyo duruufaha ku gedaaman, “Hawshayayadu mid baaxad leh bay ahayd, gudigayagu lixda gobolba way tegeen, waxyaabaha ugu muhiimsan ee madaxweynuhu noo xilsaaray waxay ahayd rayi ururinta qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland oo ay tallo-bixin ka soo bixiyaan duruufaha sharci, siyaasadeed iyo dhaqaaleba ee arrinta ururada siyaasadeed ku gedaaman. waa Ilaahay mahadii hawshaasi si fiican bay noogu soo dhammaatay waxa keliya ee hadhsanaa uun dhammaystirka warbixinta iyo tallo-bixintii madaxweynaha loo gudbinayay.”
Guddoomiye-ku-xigeenka Guddida Talobixintu waxa uu intaa raaciyay oo yidhi, “Sidaa daraadeed waxooga waxa yimi xubno badan oo gudida ka mid ah in hawlo qaran oo muhiimah looga maarmi waayay u baxay oo Guddoomiyahayagii ka mid ahaa, waayo arrinta Gobolka Sool  oo deg deg ahayd iyo xubno kale ayaa arrintayada hakad yara galay, laakiin markiiba dib baanu  bilowney waxaan doonayaa inaan maanta saxaafadda u sheego in hawsha la soo gebogebayn doono sida ugu dhakhsaha badan oo aan rajaynayo inaanay nala dhaafi doonin ugu danbayn wiiga soo socda, waxaan Ilaahay ka rajaynayaa inuu halkaa ka soo bixi doono go’aan u heerseedi doona ummadda Somaliland horumar iyo in lagu wada qanco islamarkaana ay gudidu u gudbin doonaan madaxweynaha.”
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com