Barcelona oo Xallay Hanatay Koonkii Horyaalka Kooxaha Yurub iyo Manchester United oo Guuldaro kala Kulantay Wembley stadium.

(Berberanews):- Kooxda Barcelona ayaa ku guuleysatey koobka horyaalka kooxaha yurub ee Champions League markii ay 3-1 ugu qubeeyeen kooxda Manchester United. Waa markii 3aad lixdii sano ee ugu danbeysay, dhamaantood waxa ay ka wada qaaday kooxo Ingiriis ah.
Manchester United oo kaashaneysay ciideeda maadaama finaalahan lagu qabanayey garoonka Wembley ee magaalada London ayaa dardar lasoo gashay ciyaarta iyagoo aad ugu dadaalayey iney gool kala hor maraan  Barcelona laakiin xidigaha Barcelona ayaa iska caabiyey si tartiib tartiib ahna ula qabsadey cayaarta bilaabayna baasaskii gaagaabnaa ee ay ku caan bexeen una diideen in Manchester United burburiso qaab ciyaareedka ay caanka ku yihiin.
 Cayaaryahan Pedro ayaa furay bandhiga goolasha daqiiqadii 26aad ee cayaarta markii uu baas maskaxeysan ka helay Xavi laakiin isla qeybtii hore ee cayaarta ayuu Wayne Rooney gool qurux badan shabaqa ku luxay cayaartiina ka dhigay bareejo min hal gool ah.
 Rooney oo aan kulankaan ka hor wax gool ah ka dhalin koox ka dhisan dalka Spain ayaa heeryadaas iska dul qaaday markii uu ka dhaliyey kooxda ugu wanaagsan Spain ee Barcelona weliba finaalaha koobka ugu qiimaha badan ee ay kooxo ku tartamaan ee Champions League.
Xidiga ugu wanaagsan aduunka Leonel Messi ayaa markii nasashada laga soo laabtay gool abuu banaan ah u dhaliyey kooxdiisa mar kalena hogaanka u dhiibay ka hor intii uusan gooldhaliyaha qatarta ah David Villa god dheer ku ridin rajadii Manchester United cayaartiina ka dhigay 3-1 taasoo niyad jab ku riday xidigihii United oo qeybtii dambe ee cayaarta u babac dhigi waayey baasaskii gaagaabnaa ee reer Barcelona kana badin waayey iney daawadayaal ka noqdaan farshaxankii Barcelona.
 Messi oo goolkii finaalaha caawa u ahaa kii 12aad ee Champions League sanadkaan wuxuu garab fariistay gooldhalihii weynaa Ruud Van Nistelrooy oo hore keli ugu ahaa iskoorka cayaaryahanka dhaliyey goolasha ugu badan Champions League hal xilli ciyaareed markii uu 12 gool  dhaliyey xiligii uu u cayaarayey Man.United. Sidoo kale goolkan wuxuu Messi u ahaa kii ugu horeeyey ee uu ku dhaliyo ciida dalka Ingiriiska isagoo hore dhowr isku day goolal la`aan garoonka ka baxay.
Macalinka Barcelona Guardiola ayaa mar kale xusuus wanaagsan kala laabanaya garoonka Wembley iyo magaalada London maadaama uu markii labaad ku qaaday Champions League, sanadkii 1992kii ayuu isagoo cayaartoy ah kooxda Barcelona kula guuleystay tartankaan markii ay 1-0 ku garaaceen kooxda Sampdoria ee dalka Talyaaniga.
Mustafe Maxamuud “kastam”
shaafici_3@hotmail.com