Xukuumaddu Talaabo adag Bay ka Qaadi Doonto Xididanna Way u siibaysaa dadka dilalka ka wada Laascaanood…”Wasiirka Xananada Xoolaha

Hargeysa (Berberanews)- Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta deegaanka Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay wax ka qaban doonto Nabadgelyada Magaalada Laascaanood isla markaana ay xididada u saari doonto kooxaha bartilmaameedsanaya saraakiisha heer gobol ee laamaha dawlada Gobolka Sool.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay meel fiican marayso hawsha loogu gogol xaadhayo gogoshii nabadeed ee madaxweyne Siilaanyo uu ugu baaqay waxgaradka deegaamada Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle. Wasiirku wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi uu xalay khadka Telefoonka ah siiyay shebekadda wararka Somaliland.org waxa uu u dhacay sidan;
Wasiir maxaad ku sifayn lahayd socdaalkii aad ku tagtay dhawaan degmada Widh-widh oo ammaankeeda dad badani ka cabsi qabeen tagitaankeeda?
J: Waxaan degmada Widh widh u tagay hawlihii nabadeynta ee Madaxweynaha Somaliland ku baaqay sidii loogu gogol xaadhi lahaa. Waxa kale oo ka mid ahaa hawlihii aan u tagnay degmada Widh-widh mashaariic halkaasi laga fuliyay oo ay ka mid ahaayeen d