Berbera Oo Gobollada Kale Kaga Duwanayd Dabaaldeg Badda Dusheeda Ka Dhacay iyo Muuqaallo Badan oo Aan Somaliland Inteeda Kale La Wadaagin

Berbera-(Berberanews)- Magaalo-xeebadda Berbera, ayaa waxa ka dhacay dabaaldegyo ka duwan kuwa ka dhacay gobollada Somaliland ee loogu dabaaldegayo xuska sannad-guurada 20aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland xornimadeeda ku dhawaaqday inay kala soo noqotay dalkii laysku odhan jiray Somalia.
Ciidammada Ilaalada Xeebaha Somaliland iyo laashashka kalluumaysatada Berbera oo ay saaranyihiin masuulliyiinta Gobolka Saaxil, Wasiirka Qorsheynta Qaranka iyo dadweyne fara badan, ayaa dabaaldeg aan hore loo arag ka sammeeyay baddaBerbera.

Dabaaldegan oo xiise gelisay dhammaan dadkii nasiibka u yeeshay inay raacaan doonyahay iyo laashashka loogu tallogalay oo calanka Somaliland dhina walba laga taagay waxay damaashaad ballaadhan ku gaalaabixiyeen ag-agaarka dekedda Berbera, kuwaasoo daawashadooda ay ka soo qaybgaleen boqollaal dadweyne ah.

Muuqaallada kale ee magaalada Berbera ku keliyaysatay dabaaldega Xuska sannad-guurada 20aad ee madaxbannaanida Somaliland waxa ka mid ah tiro geela oo lagu soo xidhay calanka Somaliland oo la keenay fagaaraha Beerta Xoriyadda Berbera oo ay ku sugnaayeen kumannaan dadweyne ah oo fajac iyo farxadi isugu biirtay muuqaalaada kala gedisan ee ay kala kulmeen xuskan.

Maayarka Berbera oo Badda Ku Dabaaldegaya



Sidoo kale, dhacdooyinka lama ilaawaanka ah ee laga xusi karo dhacdooyinka laga dheehan karay xuska 18ka May ee Berbera waxa ka mid ahaa kalluun badda laga soo saaray oo lagu buufiyay calanka Somaliland, kaasoo si farshaxanimmo ku dheehantahay loogu qalday dad badan oo aaminsan in kalluunku noolyahay.

 

 



Berberanews.com
Berbera, Somaliland
Email, info@berberanews.com