Wasiir Ka Tirsan Dawladda Liibiya Oo U Baxsaday Tunisia

Tripoli-(Berberanews)- Wararka ka imanaya caasimadda Liibiya ee Tripolo, ayaa tibaaxay Wasiirkii Salliida Dalkaas Shokri Ghanem inuu u baxsaday dalka Tunisa.
Sida laga soo xigtay Wariyaha Al-jaziira ee Liibiya Hoda Abdel Hamid, ayaa sheegtay in baxsashada Wasiirkii Salliida Liibiya ay caddeeyeen ciidamadda xuduudka labada dal, isagoo la sheegay inaanay jirin cid kale oo wehelisay.
Si kastaba ha ahaatee, xoogaga mucaaridka ku ah Madaxweynaha Liibiya iyo warbaahinta carabta, ayaa dhawr jeer oo hore sheegay in Wasiirka baxsaday xilka ka tegay, laakiin Wasiirka ayaa hadal-hayntaa ka dib ka soo baxay warbaahinta oo sheegay inuu wado shaqadii loo xilsaaray oo aanu ka tegin.
Haddii ay cadaato baxsashadani waxa uu Wasiir Ghanem noqon doonaa Sarkaalkii ugu danbeeyay ee ka mid ah xubnaha ugu sarreeyaLiibiya ee ka taga xukunka tan iyo intii xulafada NATO weerarka ku qaadeen, iyadoo bishii March uu iskaga tegat Wasiirkii Arrimaha Debeda Moussa Koussa.
Ghanem oo da’diisa lagu sheegay 68 jir waxa uu xilka Wasiirka Salliida qabtay sannadkii 2006, isagoo horena xilka raysal-wasaare-nimmo soo qabtay.