Odayaal ka soo jeeda Somaliland oo ku dhaqan magaalada Muqdisho oo hambalyo u diraaya shacabka Somaliland Munaasibada 18 May

Muqdisho-(Berberanews)- Kulan lagu taageerayo labaatan guuradii ka soo wareegtay xornimadiijamhuuriyada Somaliland ay lasoo noqotay ayaa manta ka dhacay xarunta dalka Somalia ee magaalada muqdisho kaasoo ay kasoo qayb galeen odayaal ,waxagarad
,aqoonyahano iyo haween kasoo jeeda beelaha dega gobolada jamhuuriyada Somaliland ee iminka ku sugan dalka Somalia gaar ahaan magaalada muqdisho
Kulankaas ayaa waxaa ka hadlay odayaal iyo waxgarad dhamaan u hambalyeeyey gooni isu taaga jamhuriyada Somaliland islamarkaana tilmaamay inay ciidamada jamhuuriyada Somaliland ka feejignaadaan wax kasta oo nabada ka jirta dalka Somaliland carqalad ku keeni kara iyagoo ugu hambalayeeyey mar labaad nabadgelayada ay ku guulaysteen ciidamada qalabka sida ee jamhuuriyada somalialand.
Sidoo kale kulakaas oo uu ka hadlay Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland ee Somalia u jooga Dr.ismaaciil maxamed cumar (caana-geel) ayaa hambalyo u diray labaatan guuradii gooni isu taaga jamhuuriyada somalialand bislamarkaana ugu hambalyeeyey 18-ka may inay tahay maalin xasuus mudan
Dhinaca kale odayaasha waxgaradka hambalyada u diray sanadguuradii
labaatanaad ee kasoo wareegtay gooni isu taaga jamhuuriyada Somaliland ayaa waxaa kamid ahaa odayaasha iyo waxgaradka beesha isaaq eek u dhaqan dalka Somalia gaar ahaan magaalada muqdisho iyadoo ay sheegeen inay u hambalyaynayaan xoriyada iyo nabadgelyada taamka ah ee ay heleen jamhuuriyada Somaliland.
Golaha guurtida beelaha reer sheikh isxaaq eek u dhaqan Somalia gaar ahaan muqdisho oo hambalyada qayb ka ah ayaa waxaa kamid ah odayaasha iyagu sida weyn manta uga hadlay kulankan
1-gudoomiye ku xigeenka golaha guurtida beesha reer sheikh isxaaq cumar cali xasan
2-xoghayaha golaha guurtida beesha reer sheikh isxaaq C/kariin maxamed xasan
3-Suldaan xuseen yuusuf xasan