Guddoomiye-ku-xigeenkii Maxkamadda Sool Oo La Dilay, Qarax Ka Dhacay Laascaanod, iyo Saamaynta Diyaar Garawga 18ka may

Laascaanood-(Berberanews)- Rag aan la aqoonsan oo madaxa soo duubtay ayAa goor dhawayd ku dilay gudoomiye ku xigeenkii maxkamada gobolka sool ahna ku simaha gudoomiyaha maxkamada gobolka Soolsi haystay gu farmaiyo kalkaaliye caafimaad oo iasa marxuum Maxamed Ibraahin Samatar.
Gudoomiye ku xigeenka ahna ku simaha gudoomyaha Maxkamada gobolka sool ayaa markii ragaasi ay rasaas ooda kaga qaadeen uu ku nafwaayeye isla goobtii.
Warkan oo aanu ka helnay illo xogogaal ah ayaa noo cadeeyey in heegan sare la galiyey ciidanka amaanka iyaga oo wali lagu dabajiro gacan ku dhiiglayaashii dilkan gaystay,marxuunkan caawa la dillay ayaa aha ku simaha maxkamada Gobolka kaib markii dhawaan la dillay gudoomiyahii hore ee maxkamada marxuum Maxamed Saleebaan Abgaal oo isna sidan oo kale loo dillay.
Wax yar uun ka hor dilka marxuum Maxamed Ibraahin Samatar ayaa waxaa duleedka Laascaanood ka dhacay qarax gilgilay guud ahaan magaalada kaas oo illaa iminka aan la ogayn khasaaraha uu gaystay qaraxaasi laakin waxii ka soo kordha waxaanu idinku soo gudbindoonaa wararkayaga danbe.
Muddooyinkii u danbeeyay waxaa magaalada laascanood ka dhacay dilal noocan oo kale ah kaas oo ay fuliyeen rag aan la aqoonsan ama maadaxa soo duubtay.
Berberanews.com
Laascaanood
Email, info@berberanews.com