Dawladda Jabuuti Oo Wefti U Soo Diray Dabaaldega Madaxbannaanida Somaliland

Hargeysa -(Berberanews)- Dawladda Djibouti ayaa wefti ballaadhan u soo dirtay inay Somaliland kala qaybgalaan dabaaldega xuska sannad-guurada 20aad ee ka soo wareegtay qaranimada oo maalinta beri laga xusi doono Somaliland.
Weftigan oo uu hogaaminayo wasiirkii hore gaashaandhiga Jabuuti Ugure Kifle Axmed ayaa sidoo waxa socdaalkiisa ku wehelinayay safiirka Jabuuti u fadhiya Hindia saraakiil, sare oo ka socda baanka Jabuuti, ganacasto siyaasiiyiin iyo xubno kale
Weftiagan oo ay garoonka diyaaradaha Hargeysa ku soo dhaweeyey wasiirada arimaha dibada, waxbarashad, afhayeenka xisbiga udub, salaadiin, xildhibaabno iyo dadweyne waxay ujeedada safarkooda ku sheegeen mid ay kaga qaybgelayaan dabaaldega 18ka May ee 20 guurada madaxbannaanida Somalilad.
Wasiirkii hore gaashaadhiga Jabuuti ahna siyaasi iyo halgamaa caan ka ah dalkaas, ayaa sheegay inay tahay markii ugu horaysay ee uu yimaado Somaliland lana dabaaldagi doona sanaguurada 20aad ee gooni isu taaga Somaliland.
Ugure Kifle waxa uu xusay in xidhiidh fiican ka dhaxeeyo Somaliland iyo jabuuti oo madaxweyaha jabuutin u soo wakiishay inay ka qaybgalaan munaasiabda 18ka may isagoo sheegay inay tegi doonaa fagraayshaa waaweyn ee ay ka socdaan xusasku.
Wasiirka arimaha dibada Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in socdaalkani muujinayo xidhiidhka qotada dheer ee adag ee dhexmaray labada dal.
Waxa Somaliland ku soo qulqulaya wufuudo tiro badan oo ka socda wadamada Geeska Afrika, kuwaasoo Somaliland iyo shacabkeeda kala qaybgelaya sanna-guurada 20aad ee madaxbannaanida, sidoo kale, wariyayayal tiro badan oo caalami ah oo kala socda telefishanka jaziira, CNN, BBC, Rauters iyo AP ayaa iyaguna soo gaadhay Somaliland.
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com