Damaashaadka Dabaaldega 18ka May Oo Caawa Berbera ka Billaabmay iyo wacdaro Bedelay jawigii Habeenimo Ee Magaalada

Berbera (Berberanews )Magaalo madaxda gobolka saaxil ee Berbera ayaa caawa laga bilaabay soo dhawaynta xuska sannadguurada 20aad ee ka soo wareegay gooni isu taaga Soomaaliland iyada oo xaafadaha magaalada dhexdeeda laga ridayo rash midabo kala duwan bixinaya kaas oo hawada ka dhigay dharaar iyo iftiin midabo kala duwan leh.
Caawa ayaa si rasmi ah looga billaabayaa Dabaal dega 18 may guud ahaan dalka Somaliland gaar ahaan gobolka Saaxil oo caawa Berbera la mood in Soomaliland la aqoonsaday iyada sanadkan qiiro aan la arag ku abuuray shacabka Soomaaliland, caawa waxaa berbera loogu baahi badan yahay waxa uu noqday Calanka Jamhuuriyada Soomaaliland qofka aad la kulantaa waxa uu ku waydiinayaa calan ,garan ama koofiyada uu ku sawiranyahay calanka ama 18may kaas oo markii goobihi laga tolonayey meel laga istaago laga waayey keentay in dadku ay iyagu gacantooda ku toshaan calan ay aroorta kaga qayb galaan debaal dega munaasibad 18ka may.
Dadwaynaha reer Berbera ayaa marka ay maqlaan sanqadha rasaasta damaashaadka ee rashka qaylo iyo damaashaad isla oogsanaya wallow ay marka hore ka naxayaan sanqadha rasaasta ee rashka maadama aanay muddo aanay maqal qarax ka rasaasta u eg,jawiga xaafadaha ayaa caawa aad u camirian dadkuna ay u diyaar garobeen xuskan aadka loo sugayo.
Dawlada hoose ee Berbera oo kaashanaysa Warshada Xooga korantada Berbera ee(BEPA)ayaa wadooyinka waawayn ee dhex mara gudaha magaalada Berbera waxay ku taxeen laydhadh farabaan oo kala duwan kaas oo guud ahaan bedelay jawigii iyo billicdi habeenimo ee Berbera .
Amaanka ayaa aad loo adkeeyay goobaha kantaroolada iyada oo maamulka Gobolkuna uu ku war galiyay Bulsho waynta reer Berbera in ay xilli hore isu soo baxaan iyada oo kulaly badani jiro,isla markaana socod dheer lagu mari doono qaar ka mida wadooyinka waawayn ee Berbera galinka hore iyada oo habeenimadana fagaaraha waynee 26juun si heer sare ah laysigu soo bixi doono iyaga oo inta badan dadka reer Beberi ku qabsadaan munasibaedaha waawayn qabsadaan habeenkii maadaama oo maalintii ay kulaly tahay.
Khadar Jaamac Xaashi
Berberanews.com, Berbera