Xisbiga UDUB Oo Shaaciyey Wakhtiga Rasmiga Ah Ee Ay Soo Bandhigayaan Waxyaabihii U Horseeday Guul-darrooyinkii Doorashada

Hargeysa, May 16, 2011(Berberabews)- Xisbiga UDUB, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday wakhtiga rasmiga ah ee uu soo bandhigayo waxyaabihii u horseeday guul-darrooyinkii uu kala kulmay doorashadii Madaxtinnimada Somaliland ee qabsoontay 26 June 2010, oo si Xisbiga talada haya ee KULMIYE si weyn ugaga guulaystay natiijadii doorashada.
Guddoomiye ku-xigeenka UDUB, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha, Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa waraysi kooban oo ay shalay la yeesheen Weriyayaal ka tirsan Wargeysyada Dawan iyo Ogaal, waxa uu ku sheegay inay toddaba bisha Julay ee sannadkan 2011, qabanayaan Xaflad lagu xusayo 10-guuradii ka soo wareegtay aasaaskii UDUB. “Xisbiga UDUB waa Bahweyn, Anigu waxaan qabaa intaan la gaadhin shirweynaha 2014-ka inuu Xisbigu is-buusha bixiyo oo ninka noqonaya Musharraxa Xisbigu yaqaanno oo hadhawto aanu noqon Xisbi is-jiidjiita. Waayo? 20 sano oo sannadkaa KULMIYE fadhiyey ka dhiman yahay ayaannu soo xukumaynay haddaannu UDUB nahay, intaaba waxaannu ku soconnay is tixgelin iyo in kolba ninkii meesha ku habboon la geeyo.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka UDUB oo ka hadlayey go’aan ay ka soo saareen Musharrixiinta sheeganaya inay u tartami doonaan Madaxtinnimada UDUB.
Axmed Yuusuf Yaasiin oo la weydiiyey halka ay ku dambaysay Guddi uu Guddoomiyaha Xisbigu Md. Daahir Rayaale u magacaabay inay soo dersaan waxyaabihii keenay guul-darradii UDUB kala kulmay doorashadii Madaxtinnimada ee 26 June 2010 iyo inay wax natiijo ah soo saareen, waxa uu ku jawaabay;
“Guddigaasi Warbixin way soo saareen oo waxaan doonayaa inaannu siiddeyno 7-da bisha Julay 2011, maalintaas oo aannu samaynayno xuska 10-guuradii Xisbiga UDUB, oo Xisbiga UDUB waxa la aas-aasay 07, Julay, 2001. Markaa, maalintaas ayaannu go’aansannay inaannu maalintaa soo bandhigno qaabka Xisbiga loo aasaasay, siduu ku soo baxay, wixii lagaga guulaystay iyo wxii la mid ah. Markaa, guddigaasi waata keentay inaannu samayno Guddiyo ka shaqeeya Shuruucda Xisbiga.”
Sidoo kale, Su’aal Guddoomiye Ku-xigeenka UDUB la weydiiyey, maaddaama oo uu sheegay inay Shirweynaha tagi doonaan iyaga oo Musharraxooda wata iyada oo Xeer laga soo saaray Musharrixiinta, dad badan oo damac siyaasadeed lihina Xisbiga ka tirsan yihiin, miyaanay ahayn inaan dimuquraaddiyadi Xisbiga ka dhex jirin kol haddaad la tagaysaan cid aad wadataan Shirweynaha? Waxaanu Axmed Yuusuf Yaasiin oo su’aashaa ka jawaabayaa yidhi; “Dabcan marka uu Xisbigu ka fikarayo cidda ka saaraysa doorashada ee guul u soo hoyn karta waa la is-garanayaa, markaa Shirweynaha Xisbigu ciddiisa ha wato, ciddii kale ee isla sharraxaysa ee shirweynaha kula tartamaysa way u furan tahay waana xor oo iyaday u taallaa.”
Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey xilliga uu imanayo Guddoomiyihii Xisbiga Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo tan iyo markii doorashadii madaxtooyada lagaga guulaystay dalka dibaddiisa ku maqan, waxa uu yidhil; “Waannagan Julay qabanayna 10-guuradii Xisbiga, oo Isniinta ayaan saaraynaa Guddigii qaban-qaabada ee arrintaa diyaarinaysay, markaa Guddoomiyaha waa lala hadlayaa, waxaanan filayaa inuu Guddoomiyuhu ka soo horreyn doono 7-da Julay 2011, ayaan rejaynayaa.”
Dhinaca kale, Ku-simaha Guddoomiyaha UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu ka hadlay war uu shalay qoray Wargeyska Ogaal oo sheegayey in UDUB go’aan ka soo saaray xubnaha Xisbiga ka tirsani shaaciyaan inay Musharrixiinta jagooyinka Madaxweynaha iyo ku-xigeenka UDUB u tartamayaan, isagoo Guddoomiye ku-xigeenka UDUB qofka sheegta inuu yahay Musharrax UDUB ah ku tilmaamay inuu yahay Tuug dadka dhacaya inta ka horreysa shirweynaha Xisbiga oo ku beegan sannadka 2014.
“Dabcan Xisbiga UDUB waxa uu soo saaray go’aan, go’aankaasi muu ahayn go’aan anigu aan kaligey gaadhay ee waxa uu ahaa mid Xisbigu oo dhami isugu yimi oo loo dhammaa oo la yidhi maxaynu ka yeelaynaa Musharrixiintan faraha badan ee iska daba-imanaysa. Go’aankaa anigu Guddoomiye ayaan ka ahaa, waxaanan ka soo saaray Wareegto gudaha ah oo xubnaha Xisbiga oo dhan qof walba nuqul ka mid ah la sameeyey, taasina waxay ahayd 30 March 2011.” Sidaa ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin. Waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo uu yidhi;
“Taasoo la doonayey in lagaga gaashaanto maaddaama oo Xisbiga dhawaan loo dhisayo Golihii dhexe iyo golihii sare-ba inaan wax carqalad ahi aanay ku keenin xisbiga dhexdiisa, taasa ugu weyneyd ee wax kale oo mishkilad ahi meesha may oollin. Laakiin marka Xisbiga la dhiso ee la shaaciyo golihiisa dhexe iyo golihiisa sare, ta taa ku xigtaa waxay noqonaysaa in loo saaro Guddi ka shaqaysa Xeerkiisii, oo waxa kale oo aan ku rejoweynahay maaddaama oo uu Xisbigu yahay Bahweyn in la kala qaado Guddoomiyaha iyo Musharrixiinta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka, taasi waa mid Guddiga Golaha dhexe iyo Fulinta ee loo saari doonaa ay ka go’aan gaadhi doonaan. Markaa, immika go’aankan waxa loo dhigay weji ah inaan anigu gaadhay, laakiin mid loo dhan yahay buu ahaa.”
“Waxa la I yidhi, Axmedoow miyaanad adigu marnaba Musharrax sheeganaynin, waxaan idhi Musharraxnimada waannagan xeerka ka soo go’aan Xisbi, laakiin haddii aan is Sharrixi lahaa waxaan samaysan lahaa Maqdarad. Markaa, waxaan ka hadlaayey mid guud oo ninka is sharraxayaa inaanu noqon nin inta uu lacag soo amaahday dabadeedna aanu hadhawto waxooda u xadin oo uu noqdo wixiisu wax cad, waayo? Waxa iman kara qof cidi wadato, oo dibadda laga wado, oo Shirkado wataan oo goordhaw cid gaara danteeda u fuliya, waana wax dunida oo dhan ka dhaca, marka ainuu noqdo qofku qof Sanduuqiisa waxa ku jira iyo cidda ku ridday la ogaado, ujeeddada ugu weyn ee aan hadalkaa kalahaana kaas ayuu ahaa.”
“Marka taa laga yimaaddo, Xisbiga UDUB waa Bahweyn, Anigu waxaan qabaa intaan la gaadhin shirweynaha 2014-ka inuu Xisbigu is-buusha bixiyo oo ninka noqonaya Musharraxa Xisbigu yaqaanno oo hadhawto aanu noqon Xisbi is-jiidjiita. Waayo? 20 sano oo sannadkaa KULMIYE fadhiyey ka dhiman yahay ayaannu soo xukumaynay haddaannu UDUB nahay, intaaba waxaannu ku soconnay is tixgelin iyo in kolba ninkii meesha ku habboon la geeyo.”
“Cali Waran-cadde, ayaad xagga hore soo dhigteen, Cali waa nin aannu saaxiib nahay, waxaanu ka mid yahay hormuudka Xisbiga UDUB. Xisbigu laba nin buu leeyahayoo aan u bixiyey Waranka iyo Gaashaanka, oo Warancadde waa Warankayga, Cabdillaahi Maxamed Ducaale-na waa Gaashaankayga, waanna Ragga aan bidayo ee aan isleeyahay waxbay hoggaamin karaan, laakiin si aanay rag kale u xanaaqin oo aanay u odhan Axmed labadaas ninbuu wataa, waxaan leeyahay wakhtigeeda halla gaadho,waana hormuudka Xisbiga iyo nimanka ugu muddada dheer ee UDUB. Kollayba annagu noqon mayno Xisbi is-jiidjiita oo wax kala xantaysta, ee wakhtigaa ninka aannu isleenahay wuu soo celin karaa Xukunkii UDUB ayuunbaannu dhigaynaa Safka hore (Front Line).sababta oo ah, Xisbigayagu maaha Xisbi uu Nin shandad ku sito, maaha Xisbi cid gaara u xidhan ee Xisbi koone illaa koone lagu jiro, waa Xisbi wada guura. Insha Allaah waxaan rejaynayaa 2014 ka Annaga oo cid wadanna oo Musharrax leh, oo Guddoomiye Xisbi leh oo wax waliba noo dhan yahay inaannu Shirka tagno. Laakiin, inta ka horreysa inaannu Xisbigii dhisno, Golihiisii dhexe dhisno, Golihii hoggaaminta dhisno, waxa iman karta inaannnu Xisbi ahaan bilawno dhaqaale ururin Xisbiga dhexdiisa ah, waayo annagu noqon mayno dad Musharraxa ku eega hawsha.”
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com