Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiintu Muxuu Ka Yidhi Khilaaf Soo Kala Dhex-galay Shirkadda Telesom iyo Wasaaraddiisa?

Hargeysa, 16, May 2011 (Berberanews)-Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Jamhuuriyadda Somaliland Dr Axmed Xaashi Nuur (Oday), ayaa sheegay inaanu Xeerka Isgaadhsiinta Qaranka ee Wakiilladu ansixiyeen cid gaara kooto uga dhigaynin Ganacsiga isgaadhsiinta, isla markaana, wixii khaladaad ah ee ku jira laga saari karo haddii laysla fahmo.

Wasiirka Boosuhu, waxa uu ka hadlay khilaaf Shirkadda Telesom iyo Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta soo kala dhexgalay oo uu sheegay in Guddi madax-banaan oo Wasaaradda iyo Shirkadaha ka kala socda loo saaray xallinka waxa kala fogeeyey ama khilaafka ka dhex dhaliyey. Waxaanu ku dooday inaanu Wasiir ahaan marnaba ka soo horjeedin Shirkad gaar ah, mid kalena taageersanayn.  “Anigu shirkad gaar ah kama soo horjeedo shirkaduhu waa ay noo simanyihiin.” Sidaa ayuu yidhi Axmed Xaashi Oday.

Waxa kale oo uu Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiintu sheegay in Xeerka cid gaar ahi ka soo horjeeddo, waxaana ka mid ahaa hadalladiisii oo uu yidhi; “Cid gaar ah ayaa diiddan Xeerka isgaadhsiinta oo ay ansixiyeen Golaha Wakiilladu, waxay leeyihiin waa kooto, balse wax cid loo kootaynaa ma jirto.”

“Insha Allaahu waxaan filayaa wixii Shirkadaha ku qalada ama Xukuumadda ku qalada ama macmiisha ku khalada waa la beddeli karaa oo waa la isu iman karaa oo waxa la odhan karaa qodobkaasi innama anfaco.” Ayuu yidhi Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Dr. Axmed Xaashi oo maanta hadal ka jeediyey munaasibad ay Hargeysa ku qabatay Shirkadda Isgaadhsiinta ee Nation-Link.

 

Waxanau sheegay I nay jiraan  gudi isku dhaf ah oo ka kooban Hay’adaha Isgaadhsiinta iyo Wasaaradda oo ka soo baaraan degta Xalinta khilaafaadka ka dhexjira qaar ka mida shirkadaha siiba Shirkada Telesom iyo Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, isla markaana lagu go.aan qaadan doono waxa ay soo go’aamiyaan.

 

Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka soo kala dhexgalay Shirkadda Telesom iyo Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland, ayaa ka dhashay naqdi ay Masuuliyiinta Telesom ku sameeyeen qodobbo ka mida Xeerka Isgaadhsiinta oo ay ku tilmaameen qaar ka horimana Dastoorka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeerka Ganacsiga xorta ah, isla markaana yahay mid cid gaar ah u danaynaya oo Isgaadhsiinta ka ganacsigeeda cid kooto uga dhigaya. Naqdigaas oo ay masuuliyiinta Wasaaradda Boosuhu aad uga cadhoodeen, isla markaana ay si kulul ugu jawaabeen eedaymana u jeediyeen Telesom.

 

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland