War Deg Deg Ah: Masuuliyinta Haamaha Kayka Shidaalka Berbera Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Berbera-(Berberanews)- Wakiilka dawlada Soomaaliland u qaabilsan kaydka Haamaha Shidaalka Berbera Cismaan Cabdi Barkhadle(Shiine)ayaa Maanta xabsiga u taxaaabay Masuuliyinta Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera, ka dib markii ay diideen in ay ka qayb qaataan Xuska dabaaldega Labaatanaad ee ka soo wareegtay Madaxbannaanida Somaliland.
AgaasimahaHhiidaalka Haamaha Shiidaalka Berbera oo aanu wax ka weydiinay sababta dhalisay xadhiga hawlwadeenada TOTAL, ayaa yidhi, “Waad ogtihiin oo waxaa lagu jiraa diyaar garawga dabaaldega 18ka May markaa aniga iyo masuuliuiintu TOTAL waxaa aanu galnay shir sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen xuskaa balaadhan maamulka iyo shaqaalahu munaasibada 18ka May sida shirkadaha kale ee dalka, markaa waxay yidhaahdeen anagu ka qayb qadaan mayno xuskaa laakin shaqsi shaqsi ayaanu u tagaynaa,taas oo runtii meelka dhac ku ah qaranka Somaliland,ana waxaan qoray waraaq dabadeed waan xidhay, adeer haduu ka Dollarka qaata manta diido xuskan ka darbiga jiifaana xusimaayo,ayuu yidhi Cismaan Cabdi Barkhadle (Shiine).
Masuuliyinta Haamaha oo aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino arrintaa ayaanay noo suurta alin.
Sida la ogyahay dabaalega sanadkan ayaa ka wayn kuwii hore maadaama oo uu buuxsanay 20sanadood taas oo ay Shirkadaha ka hawl gala Gobolka Saaxil ay dhamaantood diyaar garaw balaadhan ugu jiraan xuska 18ka May ee soo socda.
Dhinaca kale waxaa Saaka haawanayey Kaalmaha Shidaalka Berbera oo aan hayn Partol taas oo ay baaburtu is daba wareegayen iyaga oo hadba Kaalin waydiinaya shidaal,illaa iminka ma cada sababta keentay Shidaal yaridan iyada oo lau gudo jira diyaar garawga Xuska 18ka May.
Berberanews.com
Berbera, Somaliland