Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Oo Sheegay In Ciidammada Somaliland Si Buuxda U Sugayaan Ammaaka Xuska 18ka May

Hargeysa -(Berberanews)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) ayaa shaaca ka qaaday inay Ammaanka dalka xoojiyeen, isla markaana waxa uu Dadweynaha u soo jeediyey inay ku Kalsoonaadaan Ciiddammada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cilmi Rooble Furre waxa uu sidaas ku sheegay Shirjaraa’id oo ku qabtay Xarunta Taliska Ciiddammada Booliska, waxaanu Shacabka reer Somaliland ugu hambalyeeyey Munaasibada Sanad-guurada 20aad ee ka soo wareegtay ku dhawaaqistee Gooni isu taaga Somaliland, waxaanu yidhi “Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca ciidanka Booliska Somaliland waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacbiga Somaliland oo aan leeyahay ku raaxaysta dabaal dega la soo noqoshada madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliland, Haddii aanu adduunku ina aqoonsanna ILAAHAY ayaa ina aqoonsan oo waxaynu nahay ummad muslin ah, waana inaynu isku kalsoonaanaa dhulkeenu waa dhul qaydhiin nin walibana wuu ku khasban yahay inuu inoo yimaado,”ayuu yidhi Taliyaha ciidanka Boolisku.
Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi “Xaga Nabadgelyada warar badan iyo bacayn (cabsi gelin) ayaa jirta dadweynoow ciidanka Booliska, ciidanka qaranka, ciidanka asluubta iyo ciidanka wardoonka Somaliland ee aad leedihiin sidaad horeba ugu seexateen u aaminsanaada, dhulku waa nabad Anagaa indho qudhaano iyo indho libaaxba leh cid soo geli kartaa meel inagama heli karto.” Ayuu yidhi Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabbaal)
Taliyuhu wuxuu sheegay in cadowga Somaliland ay mar walba ka adkaan doonaan “ Waxaan idin leeyahay shacbiyoow anagaa idiin soo jeednee si wanaagsan u ciida, anagaa idiin soo jeednee si wanaagsan u cibaadaysta,”ayuu yidhi Taliyaha Booliska Somaliland.
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland