Ururka Qareenada Somaaliland oo Daraasad Sharci oo ay Sameeyeen ku Caddeeyey in aan Xeerka Isgaadhsiintu ka soo Horjeedin Dastuurka Qaranka

Hargeysa (Berberanews)- Daraasad sharci oo ururka Qareennada Somaliland ku sameeyeen xeerka Isgaadhsiinta Golaha Wakiilladu ansixiyey ayaa caddaysay in aan xeerkaasi gebi ahaanba ka soo horjeedin dastuurka qaranka.
Daraasadan oo si ballaadhan ururku iska barbardhig xeerka iyo dastuurka iyo qiimayn qodob qodob ah ku sameeyey, waxa ka soo baxay in xeerkani yahay mid aan jebin, kana soo horjeedin dastuurka dalka u yaala.
Haddaba, daraasadda ururka oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Ururka Qareenadda Somaliland (SOLLA) Mr. Jaamac Cilmi Xaashi, waxa qoraal dheer oo lagu faahfaahiyey u qornaa sidan;
“Mashruuca sharci lr.50/2011(Xeerka Isgaadhsiinta Qaranka) oo marka uu dhamaysto hab-raaciisa xeer-dejineed ee ku qeexan Qod: 77,78 Dastuurka JSL noqon doona ama loogu yeedhi doono XEERKA ISGAADHSIINTA SOMALILAND wuxuu ka kooban yahay 18 Cutub oo u sii qaybsama 81Qodob kuwaas oo faahfaahintoodu tahay sidan:
v Cutubka 1 aad: Qodobo Guud Qod.1 & 2 aad
v Cutubka 2 aad: Wasaarada B&I Qod 3 aad
v Cutubka 3aad: Komishanka Isgaadhsiinta Qaranka Qod 4-8 aad
v Cutubka 4 aad Xil-gudashada Komishanka 9- 12 aad
v Cutubka 5 aad Maaliyada & Wixii la xidhiidha (Komishanka) Qod 13-15 aad
v Cutubka 6 aad Ruqsadaha; Qod.16-29 aad
v Cutubka 7 aad: Ogolaanshaha Qalabka.Qod 30 aad
v Cutubka 8 aad; Maamulka Mawjadaha Idaacadaha iyo adeegsigooda.Qod 31-40 aad
v Cutubka 9 aad: Lambaradda Isgaadhsiinta Qod.41-46 aad
v Cutubka 10 aad: xeer u samaynta sayladaha isgaadhsiinta. Qod 47-53 aad
v Cutubka 11 aad; Ilaalinta Macaamiisha.Qod 54-56 aad
v Cutubka 12 aad: Ilaalinta xogta iyo Sirta gaarka ah Qod 57-61 aad
v Cutubka 13 aad: Ammaanka Qaranka. Qod 62 aad
v Cutubka 14 aad: hantida guud iyo ta gaarka ah. Qod 63-68 aad
v Cutubka 15 aad: Xallinta Khilaafaadka. Qod 69-70 aad
v Cutubka 16 aad: Fulinta iyo Ciqaabaha. Qod. 71-73 aad
v Cutubka 17 aad: Dib u eegista Go’aamada.Qod 74-77 aad
v Cutubka 18 aad: Kala wareegida Shaqada & hantida. Qod:78-81 aad
Hadaba Qaabka uu xeer-dejiyuhu u qaabeeyey mashruucan sharci ee kor ku sheegani waxa uu tilmaan cad u yahay in marka laga reebo cutubka kowaad oo ka hadlaya arrimo guud oo kala ah fasiraada erayada xeerka dhexdiisa loo adeegsaday iyo ujeedooyinka Xeerka,dhamaan inta kale waxay ka hadlayaan nidaamka ay komishanka Isgaadhsiinta iyo Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiintu u habaynayaan hawlaha Isgaadhsiinta taas oo ah xil xukuumadu u xilsaaran tahay.
Hadaba waxaa lagama maarmaan ah si aan Mashruucan sharci ama Xeerkan qabyada ah uga soo saarno deraasad sharci oo ku dhisan sharci iyo aqoon in aan is waydiino muxuu ka yidhi Dastuurka JSL Isgaadhsiinta gaar ahaan iyo guud ahaan hawlaha ganacsiga oo ay ku jirto ka-ganacsiga adeegyada Isgaadhsiinta.
DASTUURKA IYO ISGAADHSIINTA JSL.
Xorriyadda iyo Dhawrsanaanta Xidhiidhka Isgaadhsineed.
Qodobka 30 aad ee Dastuurka JSL.
Xorriyadda Isgaadhsiinta.
Qodobka 30 aad ee Distuurka JSL waxa uu u dhigan yahay:
1- Qofna lama fara-gelin karo qoraalladiisa gaarka ah, waraaqihiisa boosta ama xidhiidhkiisa isgaadhsiineed, marka laga reebo xaaladdaha uu xeerku baneeyey baadhitaankooda,daba-galkooda ama dhegaysigooda iyada oo ay markaana waajib tahay in la helo amar garsoore oo sababaysan.
Xeerkan Qabyada ah (Xeerka isgaadhsiinta JSL).
Cutubka 12 aad Iaalinta xogta & Sirta gaarka ah.
Qodobka 57aad.
Waajibaadka.
Qodobka 57 aad ee Xeerka Isgaadhsiinta JSL waxa uu ka kooban yahay laba xubnood ama farqadood waxaanu u dhigan yahay:
1- Iyada oo aan la jebinayn cutubka 11 aad, isla markaana laga hortegayn farsamada kaydinta xogta, xidhiidhka Isgaadhsiimeed ee dhex mara macaamiisha waxaa loo aqoonsanayaa sir qarsoon.
2- Ruqsadle walba waxaa ku waajib ah in uu qaado talaabooyinka macquulka ah si uu u xaqiijiyo sida ugu haboon ee lagu illaalin karo sirta macmiilka.
DHAQAALAHA GUUD AHAAN & TARTANKA SUUQ XOR AH.
Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.
Qodobka 11 aad.
Dhaqaalaha Dalka.
Qodobka 11 aad ee Dastuurka JSL waxa uu ka kooban yahay Saddex Xubnood ama farqadood,waxaanu dhigan yahay:-
1- si loo xaqiijiyo kobcinta wax-soo-saarka,kor-u-qaadidda heerka nolosha,abuuridda goobo shaqo iyo guud ahaan horumarinta dhaqaalaha dalka Dawladdu waxay dejinaysaa siyaasadda guud ee dhaqaalaha oo ku salaysan mabaadi’da suuqa xorta ah iyo is-garabsiga hantida gaar ahaaneed,hantid wadareed,hantida Qaranka iyo maalgelinta shisheeyaha.
2- lyadoo Ia dhawrayo inaanu habka dhaqaale noqonin mid horseeda in barwaaqadu ku koobnaato ama ku ururto koox ama dad tiro yar, si aanay u dhalan dabaqado dhaqaale oo ka kooban kuwo wax haysta iyo kuwo aan wax haysan; si aanay u balaadhan farqiga dhaqaale ee u dhaxeeya reer magaalka iyo reer miyiga, waxa Dawladda Jamhuuriyada Somaliland xaqiijinaysaa in adeegyada bulsho iyo fursadaha dhaqaale si cadaalad iyo sinnaan ah loo qaybiyo.
3- Maal-gelinta shisheeyaha ee dalka gudahiisa Dawladdaa damaanad qaadaysa; xeer baana lagu nidaaminayaa.
Xeerka Qabyada ah (Xeerka Isgaadhsiinta JSL).
Qodobka 2 aad (4)
Mabda’a ku xusan Qodobka 11aad(1aad) Dastuurka JSL ee dejinta siyaasad qaran oo ku salaysan mabaadii’da suuqa xorta ah iyo isgarabsiga hantida gaar ahaaneed, hantida wadareed, hantida Qaranka iyo maalgelinta shisheeye wuxuu xeerkan isgaadhsiinta JSL ee qabyada ahi ku xaqiijiyay qodobo iyo faqrado badan oo ay ka mid yihiin:-
Qodobka 2aad ( 4aad) oo u dhigan: “Xeerkani wuxuu si buuxda u difaacayaa maalgashiga adeegyada isgaadhsiinta,iyadoo mudnaanta la siinayo shirkadaha maxaliga ah ee ku hawlan adeegayada isgaadhsiineed,isla markaana Wasaaradda Boostada iyo Isgaadhsiinta JSL iyo Komishanka Isgaadhsiintuba sidooda ayey u aqoonsan doonaan heshiisyadii Xeerkan Isgaadhsiinta JSL ka horeeyay ee Wasaaradu gashay.”
Qodobka 5 aad (5) (a).
Xubintan 5aad ee Qodobkan 5aad xarafka (a) waxay ka hadasha awoodaha iyo waajibaadka Komishanka Isgaadhsiinta waxaanay xubintani u dhigan tahay: “In ay ka dheeraadaan hab-dhaqan kasta oo ka soo horjeeda tartanka suuqa xorta ah,si ay u xaqiijiyaan furfurnaanta suuqa,waxaa kale oo xil ka saaran yahay in ay xayiraan qof kasta ama ruqsadle kasta oo isku daya in uu si qaloocan uga faa’iidaysto macaamiisha.
GUNAANAD IYO GABAGABO.
Haddaba Ururka Qareenada Soomaliland (SOLLA) isaga oo ka duulaya xilkiisa oo ugu darban yahay in uu u iftiimiyo mugdi iyo muran kasta oo la xidhiidha arrimaha sharciga waxa uu u xaqiijinayaa ka dib markii uu barbar dhigay Qodobada Dastuurka JSL ee ka hadlaya isgaadhsiinta iyo furfurnaanta suuqa xorta ah in mashruucan sharci (Xeerka Isgaadhsiinta JSL) uu yahay xeer aqoonsanaya ilaalinta sirnimada xogta isgaadhsiinta iyo furfurnaanta suuqa xorta ah.
Sidaasi darteed waxay daraasadan sharci ee ku wajahan Mashruucan sharci (Xeerka isgaadhsiinta JSL) waxay muujinaysaa in mashruucan sharci ee Xeerka isgaadhsiinta JSL,ee (xeer Lr.50/2011) aanu khilaafsanayn Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Haddaba, Ururka Qareenada Somaaliland (SOLLA) waxa uu ku soo gunaanadayaa deraasadan sharci in mashruucan Sharci (Xeerka Isgaadhsiinta JSL) uu waafaqsanyahay Dastuurka Jamhuuriyada Soomaliland kuna jirin xeerkan qabyada ah qodob ama faqrad ka hor imanaysa ama khilaafsan boqol iyo sodonka (130) Qodob ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.
Waxa kale oo uu Ururka Qareenada Soomaliland (SOLLA) uu cod dheer ugu soo gudbinayaa bulshada reer Somaliland iyo golayaasha Qaranka in mashruucan Sharci (Xeerka isgaadhsiinta JSL) uu yahay xeer baahi weyn uu u qabay Qaranka Jamhuuriyadda Soomaliland, sababta oo ah waxa uu xeerkani nidaamiyaa isgaadhsiinta Jamhuuriyadda Somaliland, kaasi oo aan loo baahnayn in lagu carqaladeeyo khilaafsanaan Dastuur oo sharci ahaan aanay waxba ka jirin.”
Wabilaahi Towfiiq.
Garyaqaan Jaamac Cilmi Xaashi
Gudoomiyaha Ururka Qareenadda Somaliland (SOLLA