Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Duleedka Buuhoodle Ku Weeraray Gaadiid Ay Nabad-Diidka SSC U Soo Iibiyeen Al-Shabaab, Laguna Waday Gaalkacayo

Hargeysa (Berberanews) – Ciidamada Itoobiya ayaa shalay duleedka magaalada Buuhoodle ku weeraray gaadiid ay kooxda Nabad-diidka SSC usoo iibiyeen ururka Al-shabaab, kuwaas oo lagu waday magaalada Gaalkacayo ee Somalia.
Gaadiidkan oo ahaa laba gaadhi oo noocoodu ahaa Land-Crusero lama hubo ilaa hadda in laga soo iibiyey magaalooyinka Burco iyo Hargeysa midkoodna.
Sida ay ilo xogogaal ahi axaqiijiyeen ciidamada ku sugan xuduudooda Buuhoodle ayaa la sheegay inay ka war heleen labada gaadhi ee Land-cruserada ah ee kooxda nabad-diidka ee fadhiisinkoodu yahay Buuhoodle ay u waday ururka Al-shabaab, taas darteedna ay ciidamada Itoobiya ay weerar ku qaadeen shalay duhurkii labada gaadhi oo lagu sii waday magaalada Gaalkacayo ee dalka Somalia, kuwaas oo ciidamada Itoobiyaanku ay labadaa gaadhi ay mid ku gubeen isaga iyo maleeshiyadii saarnayd halka gaadhiga kalena ay u soo jiiteen xeradooda dhinaca xuduuda Buuhoodle ay ku leeyihiin.
Ilo wareedyadu waxa ay intaa ku darayaan oo ay sheegayaan in laba ka mid ahaa maleeshiyadii Nabad-diidka ee gaadiidkaasi Al-shabaab loo waday saarnaa Maydadkooda lagu arkay deegaanadaasi.
Inkasta oo tirada ka dhimatay maleeshiyada Nabad-diidka ay wararka qaarkood sheegayaan in dhimashadu ay intaas ka badan tahay.
Dhinaca kale ciidamada amaanka Somaliland ayaa maalintii Khamiistii todobaadkii hore magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ku qabtay laba nin oo lagu tuhunsan yahay soo iibinta gaadiidkaasi iyo u gudbinta Buuhoodle ay ku lug lahaayeen.
Wargeyska Haatuf ayaa hore u sheegay inuu jiro xidhiidh weyn oo u dhexeeya kooxda Nabad-diidka Buuhoodle ee SSC iyo ururka Alshabaab.
Qaar ka mid ah hogaamiyayaasha dhaqanka ee deegaanadaasi ee sida weyn u hor kaca kooxda Nabad-diidka ee fadhigoodu yahay Buuhoodle sida Garaad Jaamac Garad Cali ayaa iyagu hore u cadeeyay taageeradooda ururka Al-shabaab.
Ilo-wareedyo ku sugan Buuhoodle ayaa intaa raaciyey in ciidamada Itoobiya ay si weyn usoo xoojiyeen xuduudaha labada dal u dhexeeya ee Somaliland iyo Itoobiya, iyagoo intaa ku daray in hadhaagii kooxda Nabad-diidka SSC ay Buuhoodle ka fakanayaan cabsi ay ka qabaan ciidamada Itoobiya ay dhinaca xuduudeeda soo dhoobtay.
Sources Haatuf