Maayarka Berbera Oo Ku Hanjabay Inay Tallaabo Ka Qaadayaan Qurbojooga Dhulka Bannaan Ay Siiyeen Ee Aan Ka Faa’iidaysan.

Berbera-(Berberanews)- Maayarka Berbera Cabdalle Maxamed Carab, ayaa daboolka ka qaaday inay dhawaan go’aan ka soo saarayaan dadka ay hore u siiyeen dhulka bannaan ee ka gaabshay inay dhisme ka sammaystaan amma maalgelin ka hirgeliyaan.
Maayar Cabdalle oo si gaara ula hadlay dadka qurbojooga ah ee reer Berbera waxa uu xusay in iyagoo dhiirigelinaya horumarka ka socda magaalada Berbera, aanay u dul qaadan doonin dhul 20 sanno iska seesan ee dadkii maalgashan lahaa laga xannibay, “Waxaan halkan farriin uga dirayaa dadka qurbojooga ah marar badana aan sheegay oo aan leeyahay dawladda Hoose waxay u xilsaaranyahay adeegyada baahiyaha aas-aasiga ah ee dadka, idinkana waxaannu idin leenahay walaalayaal dhul aad degtaan waanu idiin haynaaye waxaad yeeshaan ku soo dhiirada oo maalgashada, oo marka aanu dhul idin siino sees hanagaga teginee dee wax bilaaba oo yaanay dhicin intaad waraaqaha naga qaadataan inaad 20 sanno naga maqnaataan.oo dadkii dhulka maalgashan lahaa aad xannibtaan, taana shir baanu dhawaan ka gelaynaa waxaannu jecalahay inaanu bayaan ka soo saarno, waayo isbedel badan ayaa hadda magaalada ka socda.” ayuu yidhi Maayarka Berbera Cabdalle Maxamed Carab oo u waramayay todobaadkan suxufiyiin u kuurgalay xaalada Berbera.
Maayar Cabdalle waxa kale oo uu sheegay inay dhiirigelin ku samaysanayaan maalgashiga magaalada Berbera oo uu ku taamayo inay magaaladu noqoto Xarunta Maalgashiga Afrika, isagoo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxay Berbera maanta joogtaa wakhti ay la jaanqaadayso isbedel, waxaannu dhiirigelinaynaa inay noqoto Xarunta maalgashiga Geeska Afrika oo nin waliba ka ganacsan karo; xoolihiisa ku aamini karo; ku degi karo.
Waxaannu samaynay qiimayn inaan dhulka Berbera iib noqon oo uu dawladda hoose gacanta ugu jiro, anagoo ku talogelayna in dhiirigelin maalgelineed lagu sammeeyo, anagoo suurtagelinay in Berbera noqoto magaalo nabadgelyo oo cidkasta u saamaxaysa inay gacacsi ka samaysan karto.”
Waxa uu Maayarku intaa raaciyay oo yidhi, “Waxa wax lagu faano ah in maanta Berbera deganyihiin ganacsato badan oo aanu dhiirigelinay in magaaladu Berberadii la yaqaanay noqoto, hadda waxa noo yimi Carabtii iyo Hindidii”
Berberanews.com
Berbera, Somaliland
Email, info@berberanews.com