Diyaargarawga dabaaldega 18May Iyo Gobolka Saaxil

Khadar Jaamac Xaashi
Berbera
Berbera-(Berberanews)- Diyar garawga loogu jiro dabaaldega labaantan guurada ka soo wareegtay markii ay Soomaliland ka go’day Soomalilya inteedi kale ayaa si wayn looga dareemaya gudaha iyo degmooyinka Gobolka Saaxil.

Gudaha Magaalada Berbera ayaa si xawli ah looga dareemayaa isu diyarinteeda iyada oo Jawigu ka duwan yahay kii Sanadkii hore xaga horumarka iyo maamulada oo qaarkood cusub yihiin.
Waxaa Sameecado la saaray Baabuur isigu jira kuwa shicibka iyo dleedahay iyadoo Heeso Guubaabo ahi ka baaxaan oo wadani u badan, Qaar kamida Meheradaha waawayn ee magaalada aya lagu xardhay calanka jamhuuriyada Somaliland.
Magaalada Berbera oo inta baan lagu tilmaamo magaalo ku horaysa xaga wadaniyada marka loo eego sida ay uga qayb qaataan soo dhawaynta madaxda dalka ka qayb qaadashada banaynta wadooyinka magaalada dhex mara oo ay noqotay magaaladii ugu horaysay ee laga dumiyo meheradaha ku yaala wadooyinka waawayn iyadoo aanay Hargaysa ka dhicicn arrintaasi.
Magaalada Berbera oo inta badan la xuso maalmaalaha qaranka Habeen iyo maalinba cimiladdeeda awgeed oo maalintiina lagu Xuso gurriga Martida Habeenkiina Fagaaraha 26 juun oo si wayn looga soo qayb galo ayaa sanadkan ka duwan kii hore madaama oo ay Berberi ka faa’iiday isbeelki ka dhacay dalka oo ay 18May ee Sanadkii hore la qabtay waxbadan wax badan kan Maanta uu kaga duwanyahay.
Guddoomiyha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa Guddi Qabanqaabisa Munaasibadan u Magacaabay kuwaas oo uu hogaaminyo Badhasaab ku xigeenka Gobolka, kana mid yihiin Maareeye ku xigeenka Dekedda Berbera,Xoghayaha Dawlada Hoose ee Berbera,Guddoomiyha Ururka Hawenka ee NAW iyo Xubno kale oo muhiin ah.
Berberanews.com
Email, info@berberanews.com