Maraykanka iyo Xulafada NATO oo la Sheegay Inay Qorshaynayaan Weeraro Dhinaca Cirka ah oo ay ku Qaadaan Soomaaliya

Washington (Berberanews)- Dawladda Maraykanka iyo xulafadda NATO, ayaa la sheegay inay qorshaynayaan sidii ay weeraro dhinaca cirka ah ugu qaadi lahaayeen kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, kuwaasi oo ku hanjabay inay qaadi doonaan dagaal loogu aargudayo dilka hoggaamiyihii Al-qaacida Osama Bin Laden.
Ra’iisal-wasaaraha dalka Ruushka Vladimir Putin, ayaa daboolka ka qaaday in qorshaha Gaashaan-buurta NATO ku doonayso in ay weeraro ku qaado gudaha wadanka Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada ay maamulaan kooxda Al-shabaab, iyada oo ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaanajo oo waraysi siiyey wargeyska the Wall Street Journal ee ka soo baxa wadanka Maraykanka uu qudhiisu tilmaamay inuu soo dhawaynayo weeraro dhinaca cirka ah oo Maraykanka iyo NATO ku qaadaan goobaha Al-shabaab ka taliso, balse waxa uu sheegay in aanay u baahnayn ciidammo dhulka ka dagaalamada, maadaama ay kuwa AMISOM iyo ciidanka dawladdu ku filan yihiin dhinaca dhulka haddii ay taakulayn sare ka helaan NATO iyo Maraykanka.
“Waanu soo dhawaynaynaa weeraro dhinaca cirka ah oo ku jihaysan bartilaameedyo gaar ah oo lagu burburniyo kooxda Al-shabaab, laakiin waanu jeclaan lahayn in tababar nala siiyo si aanu anagu hawshaas u fulino. Kooxdaasi maaha wax si dhib yar loo burburin karo, maxaa yeelay Al-qaacidda way ka weyn tahay inay wax u noqoto qof qudha oo laga dilay, safka hore ee difaacana anagaa ku jirna, laakiin haddii caddaadis lagu saaro gudaha Soomaaliya, heli maayaan wakhti raaxo ah oo ay ku qorsheeyaan weeraro argagixiso oo ay ka fuliyaan wadamada ka baxsan Soomaaliya.” Sidaa waxa yidhi; ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya oo u ololaynaya in weeraro dhinaca cirka ah lagu qaado deegaannada Al-shabaab ka taliso.
Waxa Maxamed Cabdillaahi Farmaanjo sheegay in haddii xulafadda NATO iyo Maraykanku ku guulaystaan dagaalka Afghansitan ay taasi keeni doonto in kooxaha argagixisada ahi u soo guuraan Soomaaliya, isaga oo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Haddii NATO ku guulaysato dagaalka Afghanistan, kooxaha argagixasada ahi waxay u soo guuri doonaan Soomaaliya, kooxaha jihaadka doonaya waxay xoog u danaynayaa mandaqada Geeska Afrika oo muslimiin badani ku nool yihiin. Waxaanu doonaynaa in sida Ciraaq iyo Afghanistan oo kale loola dagaalamo Soomaaliya. Waxaanu u baahanahay awood dhinaca cirka ah iyo tignooloji aad u sareeya oo lagula dagaalamo Al-shabaab.”