Booliska Wajaale oo Xabsiga Dhigay Wadaad ka soo Horjeestay Madaxbannaanida Somaliland iyo Xuska 18ka May

Wajaale (Berberanews)- Ciidanka booliska ee degmada Togwajaale, ayaa xabsiga u taxaabay wadaad ka soo horjeestay madaxbannaanida Somaliland iyo xuska maalinta qarannimada ee 18ka May.
Sidaa waxa shebekadda Berberanews u xaqiijiyay Taliyaha Ciidanka Booliska ee Wajaale Mr. Muxumed Cumar Suldaan.
Wadaadkan oo magaciisa la yidhaa Sheekh Maxamed Ibraahim, ayaa khudbaddii salaadda Jimcaha ee maanta kaga dhawaaqay Masjid-jaamaca weyn ee magaalada Wajaale in goosashada Somaliland xaaraan tahay, isla markaana cid kastoo ka qaybqaadata dabbaaldegga xuska maalinta ee 18 May uu yahay ehelu-naar.
Khudbadda wadaadkaas oo si weyn cadhaysiisay dadweynaha reer Wajaale, waxa ay sababtay tallaabada ciidammada ammaanku xabsiga ugu taxaabeen, waxaannu hadda ku xidhan yahay Saldhigga Booliska ee Wajaale.
Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Booliska ee Wajaale Mr. Muxumed Cumar Suldaan oo aannu khadka telefoonka kula xidhiidhnay si arrintan wax looga weydiiyo, ayaa xaqiijiyey xadhigga wadaadkaas oo uu sheegay inuu yahay muwaaddin reer Somaliland, balse si cad oo aan gabbasho lahayn uu uga soo horjeestay qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland iyo diyaargarowga xuska ballaadhan ee sannadkan loo samayn maalinta qarannimada ee 18ka May.
“Masaajidka ayuu ka jeediyey khudbad liddi ku ah qarannimada Somaliland iyo xuska maalinta qaaliga ah ee 18ka May, iyadoo arrintaasina keentay in la xidho wadaadkaas, sababtoo ah haddii sharcigu sarrayn waayo ummad jirta noqon mayno, sidaa darteed ninkaasi wuxuu ku xidhan yahay saldhigga booliska ee Wajaale, si dhaqso ahna sharciga ayaannu u horgeyn doonaa,” ayuu yidhi Taliyaha Booliska magaalada Tog-wajaale ee ku taal xuduudka Somaliland la wadaagto dalka Itoobiya.
Markii ugu horreysay ee mid ka mid ah culimada reer Somaliland si cad fagaare ugaga dhawaaqo hadallo liddi ku ah jiritaanka iyo qarannimada Jamhuuriyadda ee dhiigga badan loo soo daadiyey.