Suuriya: 15 Ruux Oo Ku Dhintay Dhaqdhaqaaqyada Isedel-doonka, Baaqa Ban-ki-moon iyo Marxaladihii U Danbeeyay


Suuriya,-(Berberanews)- Inta la hubo 15 qof, ayaa maanta ku naf waayay Qulqulatooyinka ka socda dalka Suuriya ee lagaga soo horjeedo Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad Oo ee lagaga dalbanayo inuu so oaf-jaro xukunka uu muadad dheer haystay.
Gawaadhida gaashaaman ee ciidammada Dawladda Suuriya, ayaa rasaas ay la beegsadeen kooxaha isbedel-doonka ah ee wada mudaharadaada ay ku dalbanayaan isbedel siyaasadeed oo dhaca, halkaasoo ay ku dhinteen dad 15 ruux gaadhaya oo sideed ka mid ah lagu dilay magaalada Koonfurta ku taal ee Harra iyo shan qof oo iyagan ciidamadu ku dileen Homs.

Warar ka soo baxay saraakiisha dawladda Siiriya waxay daboolka ka qaadeen hal askaro ii mudaharaadayaashu hal askari dileen.
Wararka laga helayo qulqulatooyinkan dhiigu ku daatay waxay sheegeen in dhacdooyinkan uu danbeeyay ka dhasheen, ka dib markii Xogahayaha Guud ee QaramadaMidoobey Ban Ki-moon ugu baaqay Madaxweynaha Suuriya inuu dhegaysato dalabyada ka soo yeedhaya debed-baxayaasha.

“Waxaan ku boorinayaa Madaxweyne Asad inuu dhegaysto dhawaaqyada dadku ku dalbayaan isbedelka iyo xoriyadda oo uu joojiyo xadhiga uu kula kacayo mudaharaadayaasha nabadgelyada ah oo uu la shaqeeyo hawlwadeenada xuquuqal-insaanka.” Ayuu yidhi Ban

Madaxweynaha Dalka Suuriya Bashaar Al Asad, ayaa qalalaasaha socda ku sifeeyay caqabadihii ugu adkaa ee abid soo mara 11 sano oo xilka hayo, isagoo intaa raaciyay dib u shaandhayn uu samayn doono, isagoo ballanqaaday inuu muwaadiniin u aqoonsanayo dadwoyga Kurdishka ah.
 
Berberanews.com
Email, info@berberanews.com