Askari Ka Tirsan Ciidammada Booliska Berbera Oo Wiil Dhallinyaro Ah Ku Toogtay

Berbera-(Berberanews)- Askari ka tirsan Ciidanka booliska berbera ayaa saaka subaxnimadii   wiil dhalinyara ah ku toogtayagagaarka xarunta Dawlada Hoose ee berbera, ka dib markii uu ku riday baaskoolad uu sitay.
 
Wiilkan  oo magaciisu yahay Cabdiqaadir Jaamac Barkhadle waxay rasaastu kaga dhacday lugta midig, isagoo haatan lagu dawaynayaa cisbitaalka magaalada Berbera, kaasoo aan ilaa hada la aqoonsan sababta uu askarigu wiilka xabada ula beegsaday. haseyeeshee masuulliyiinta booliska berbera oo aanu dhacdadan wax ka weydiinay  ayaan jawaab ka bixin waxaanay ka gaabsadeen in ay wax war ka bixiyaan falkaa uu geystay  askariga ka tirsan Ciidanka booliska berbera, waxaanay ku gaabsadeen in baadhitaan socdo.
Cabdiqaadir Jaamac Barkhadle oo aanu ku booqanay cisbitaalka Berbera oo lagu dawaynayo, ayaanu wax ka weydiinay sida wax u dhacee, “Aniga oo marayaa halkaa Dawlada hoose agteeda ayuu ninka askariga ahi igu yidhi waryaa maxaad aheyd? kaalay ana waxan ku idhi maxaad iga rabtaa kadibna waan iska socday, dabadeetana waxa uu igu yidhi istaag intuu baastoolada la soo baxay kadibna waan iska socday waxaana ii xigtay xabada igu dhacday markaa anigu waligay maan arag maanan is afdhaafin garana maayo waxa uu igu toogtay .”
Ciidanka booliska ee Dawlada hoose, ayaa markii uu falkani dhacay gacanta ku dhigay askariga falka geystay oo lagu magacaabo Cabdillaahi Maxamed Shide (Dholo dholo) oo haatan ku xidhan Saldhiga Dhexe ee Berbera.
 
 
Ma jiro wax wara oo intaa dheer oo ka soo baxay falkaa ugubka ah ee manta ka dhacay magaalada berbera .