Sannad-guuradii 9-aad ee ka soo wareegtay Geerida Madaxweynihii hore Marxuum Maxamed X. I.Cigaal oo Hargeysa lagu qabtay iyo Xukuumadda oo ka baaqatay

Hargeysa, 03, May, 2011-(Berberanews):- Munaasibada xuska ay ayaa ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro) oo ka mid ah culimada waawayn ee reer Somaliland, waxaanu sheegay haddii la qiimayn waayo dadka magaca ku leh dalka aan Madaxwayne dambe oo Somaliland soo mara lka qiimayn doonin.
 
“Haddii aynu dadkeena wanaagsan qiimayno inaga ayaa la ina qiimaynayaa, haddii aan la qiimayn (Marxuum Cigaal) Madaxwayne dambe oo Somaliland soo mara la qiimayn maayo.” Ayuu yidhi Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiiray, waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hadlaya waxqabadkii Marxuum Cigaal “Maxamed Ibraahim Cigaal waxa uu ahaa kii SNM tabobarka u furay ee sheegay qababka kale oo dadka loo doorto.” Ayuu hadalkiisa raacyey Sheekhu.
Wasiirkii macdanta iyo biyaha dawladii Daahir Rayaale Md Cismaan Sheekh Cabdi, oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in aanay taladu ahayn in dadka inta bilaa camalka ahi xafladaha ka qayb-galaan, inta kuraasta fadhidaana aanay iman “Arinku yaanu noqon cida haleelaysa ee dibada wareegaysa ay xafladaha tagaan in kuraasta ku fadhidaana maaha.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaan leeyahay qolada talada haysaa iyagga ayaa mindida daabkeeda hayee balamihii ay qaadeen haka soo baxaan, Marxuum Cigaalna hanta qaran ayuu ahaa.”
Guddoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB ahna ku simaha Guddoomiyaha Md Axmed Yuusuf Yaasiin, oo isna halkaa hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in loo baahan yahay in xaasidnimada la iska daayo “Xasadku waaka caalamka Islaamka dib u dhigay, ilaa aynu xasadkaa ka baxnana meel gaadhi mayno.” Ayuu yidhi Md Yaasiin, waxaanu intaa raaciyey “Marxuum Cigaal Aassaasihii ayuu ahaa anaguna labanka ayaanu saarnay (dalka) imikana qurxin ayuu u baahan yahay, waxa lagu qurxinayaana waa cadaalad.”
Md Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu sheegay in Marxuum ka raystay dalka “Waxaan leeyahay Ina Cigaal wuu inaga raystay oo janada ayuu ku jiraa.” Ayuu yidhi.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Md Cali Maxamed Waran-Cadde, oo isna munaasibada xuska hadal kooban ka soo jeediyey ayaa sheegay in Marxuum u ahaa macalin, wixii uu ka bartayna uu ku najaxay.
Md Waran-Cadde waxa kale oo uu sheegay inuu isagu la yaabanayaa maalintii uu aasaasayay xisbiyadda dalka “anigu waan la yaabanayaa maalintii uu xisbiyadda furayay waayo siyaasadda ayaan ku cusbaa.”ayuu yidhi.
Sucaad Carmiye oo ka mid ah ehelada Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, oo iyadduna hadal dheer oo dadkii munaasibada ka joogay jidhidhico galiyey ayaa sheegtay in xuskan xuskii ka horeeyey ay xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo ka dalbatay haddii ay talada ku guuleystaan in maalinta 3 May laga dhigo maalin qaran oo shaqaaluhu fasax yihiin, balse aan ilaa hadda aan taas la fulin “3-da May waxay ahayd inay noqoto maalin qaran, Kulmiye waxaan ka codsaday sin 3-da May laga dhigo maalin qaran laakiin waxba kamay soo qaadin.”
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.