Siyaasi Reer Sool Ah Oo Dilalka Qorshaysan Ee Laascaanood Dusha Ka Saaray Masuulliyiin Somaliland Xilal Ka Haya

Laascaanood, 30, April 2011 (Berberanews)- Ciidammada Booliska magaalada Laascaanood, xalay saqdii dhexe gacanta ku dhigay lix nin oo la sheegay inay ka dambeeyeen isku-day dil oo isla xalay cawayskii lagula kacay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Birmadka ee Gobolka Sool Jaamac Muuse Cawad, oo ay dhaawac culus soo gaadhsiiyeen iyo dad kale, ka dib markii ay dablay hubaysani Rasaas huwiyeen xilli uu Masaajid ka soo baxay.

Hawlgallo ballaadhan oo ay Ciidanka ammaanka Laascaanood ku baadi-goobayey muddo saacado ah ciddii falkaa ka dambaysay, ayey xalay saacadihii dambe ku soo qabqabteen lix nin oo la sheegay in loo malaynayo inay yihiin kuwii weerarka fuliyay, kuwaasoo laga soo qabtay guri ku yaalla magaalada Laascaanood oo uu leeyahay Qamaan Garaad Cabdiqani. “Meesha (Laascaanood) waxa caawa (xalay) lagu qabqabtay kii falka geystay iyo shan nin oo kale, guribaana laga soo dhex qabtay,” sidaa waxa yidhi Maxamed Jaamac Xirsi oo ka mida Siyaasiyiinta Gobolka Sool ooxalay goor dambe Ogaal khadka taleefanka ugu warramay.
Maxamed Jaamac waxa kooxdaas hubaysnayd ee dhaawaca u geystay Taliyihii qaybta Booliska sida degdegga ah u hawlgala (Birmadka) ee Somaliland ku eedeeyey inay soo abaabuleen ama ka dambeeyeen Xildhibaan Dhakool oo Golaha Guurtida Somaliland ka tirsan, Duqa magaalada Laascaanood iyo Urur uu sheegay inuu u adeego Al-shabaab iyo SSC. “Waxan waxa sameynaya Xildhibaan Dhakool iyo Urur meesha uga dhisan oo Al-Shabaab iyo SSC isugu jira. Isagaa samaynaya iyo Maayarka Laascaanood. Caawana (xalay) Gurigii Qamaan Garaad Cabdi-qani oo horeba looga soo abaabuli jiray muddaharaadyada ayaa Wiil uu dhalay iyo Raggan kaleba laga soo qabtay, waana raggaa yar-yar ee lagu shaqaysanayo ee Al-Shabaab iyo SSC-da isugu jira.” Ayuu yidhi Maxamed Jaamac Xirsi.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Sool Mr. Cabdilaahi Jaamac Diiriye, oo Warbaahinta la hadlay wakhtigii weerarkaa la fuliyey ka dib, ayaa xaqiijiyey in Sarkaalka la toogtay uu xilligaas ka soo baxay Salaaddii Makhrib oo uu ku tukaday Masaajid ku yaalla Koonfurta magaalada Laascaanood.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Wargeyska Ogaal ee Laascaanood, weerarkaas waxa kale oo ku dhaawacmay laba qof oo rayid ah oo midka ka mid ahi haweenay tahay.
Sarkaalkan oo dhaawaciisu culus yahay, waxay xabaddo kaga dhaceen Dhabarka, sida uu xaqiijiyay Badhasaabka gobolka Sool. “Sarkaalkan oo dhaawaciisu culus yahay, waxa ay xabbado kaga yaalaan Dhabarka, waxaana caawa (xalay) loo soo qaaday magaalada Burco ee gobolka Togdheer, waxaana toogtay dablay hubaysan oo rasaas ku furay xilligii uu ka soo baxay masaajid ku yaala koonfurta magaalada Laascaanood oo uu ku tukaday Salaaddii Makhrib,”ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Sool Cabdilaahi Jaamac Diiriye. Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in weerarkaas uu khasaare dhaawac ahi ka soo gaadhay nin rayid ah oo goobta sarkaalka .
Xigasho Wargeyska Ogaal.