Ciidamadda Somaliland Oo Degmada Bulaxaar Ku Qarxiyay Aalad Aan La Aqoonsan Oo Maraakiib Dagaal ee Shisheeye Ku Soo Tuureen Xeebaha

Bulaxaar, 29, April, 2011-(Berberanews)- Ciidanka Booliska Somaliland, gaar ahaan qaybta loo tobabaray qarxinta miinooyinka iyo aaladaha kale ee qarxa, ayaa axadii todobaadkan oo ku beegan taariikhda 24, April, 2011 ku qarxiyay Degmada Bulaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil aalad aan la aqoonsan waxa ay tahay.

Aaladan oo todobaadkii hore ku soo caariday Xeebta Degmada Bulaxaar ayay dad shacab ahi ku soo wargeliyeen Maamulka Degada, kuwaasoo iyaguna xidhiihdh la soo sammeeyay ciidammada booliska Somaliland kuwa qaraxyada u qaabilsan ee loo yaqaanno (Police Bobm Disposal) oo u gurmaday qaylodhaanta uga timi maamulka degmada, kuwaasoo ku guulaystay inay qarxiyaan.
Maraakiibta shisheeye ee mara xeebaha dalkii laysu odhan jiray Somalia oo Somaliland haatan ka madaxbannaantahay, ayaa la rumaysanyahay inay aaladan ku tuureen xeebta dheer ee Somaliland oo masaafo ahaan dhan 800 oo Km, taasoo la sheegay inay ku jireen waxyaabo khatar badan oo markii la qarxiyay laysku dayay in la bakhtiiyo, si loo hubiyo waxa ku jira, balse lagu guuldaraystay inay biyuhu bakhtiiyaan.
Mid ka mid ah hawlwadeenadii Police Bobm Disposal oo ka qaybgalay hawlgalka lagu qarxiyay aaladan aan la aqoonsan oo aanu wax ka weydiinay waxa uu ku cabiri karo aaladan, ka dib markii ay ku soo laabteen magaalada Berbera, ayaa sheegay inay ahayd aalad aad u khatar ah oo aanu weligii arag wax la nooc ah, waxaannu yidhi, “Walaal shalay aayaanu gaadhnay degmada bulaxaar, waxaanu halkaa ku soo qarxinay allad soo caaariday oo ay soo sheegeen dadka deegaankaasu, runtii waxay ahayd wax aad khatar u ah oo xataa markay qaraxdo aanay biyuhu bakhtiin karin, markaa cida keentayna lama garanayo, laakiin waxaa loo malaynayaa in ay maraakiibta badeena mara ee ciidamada badahu soo tureen; lama arag noocan oo kale,” sidaa waxa yidhi aqoonyahan ku xeel dheer wax yaabaha qarxa oo aanu la kulanay.
Dhacdadani waxay muujinaysaa khatarta caafimaad daro ee aaladaha noocan oo kale ahi ku keeni karaan nolosha bulshada Somaliland, gaar ahaan deegannada xeebaha ku teedan oo muddooyinkii u danbeeyay lagu arkay astaamaha xannuuno aan hore looga aqoon oo la soo dersay dadka, tusaale ahaan magaalada Berbera waxa labadii todobaad ee u danbeeyay ka dilaacay madax-xannuun hallis ah oo dad badan loo dhigay cisbitaalka, kuwaasoo dhakhaatiirtu garan la’yihiin xannuunnada haya, balse dad khubaro ahi la xidhiidhinayaan inay sabab u tahay wasakhow badda ah oo neecawdu u soo qaaday dhinaca beriga.
Qaar ka mid ah maraakiibta dagaal ee ku sugan xeebaha Somalia, ayaa inta badan lagu eedeeyaa in ujeedooyinkoodu aanu la xidhiidhin budhcad-badeed ee ay khashinka wershadaha Nuclearka ku daadiyaan xeebaha Somalia oo aan lahayn ciidammo ilaalo ah tan iyo intii ka danbaysay xukuumaddii Kelis-taliska Ziyaad Barre.
Berberanews.com
Berbera, office
Email, info@berberanews.com