Ethiopia oo duqayn cirka ah ka fulisay Gobolka Tigray

Ethiopia-(Berberanews)-Afhayeenka kooxda TPLF Getachow Reda ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebookga waxa uu sheegay in diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn ee Itoobiya ay duqeyn u gaysteen goobo ay dad rayid ah degganaayeen oo ku taal magaalada Maqale.

Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara arrintan, sidoo kale dowladda Itoobiyana kamay hadlin duqayntan ay TPLF sheegayso.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa laba maalin un kaddib markii ay TPLF dhawaaqday xabbad joojin, isla markaana ay sheegeen inay diyaar u yihiin wadahadal nabadeed.

Tan iyo intii ay TPLF ku dhawaaqday xabbad joojinta waxaa isa sootarayay wararka sheegaya in labada dhinacba ay sii wadaan weeraradooda, iyadoo la sheegay in isla maalinimadii shalay ay TPLF iyo dowladda Itoobiya ay ku dagaallameen dhinaca xuduuda dalka Sudan.

Inkastoo labada dhinac ay sheeganayaan inay diyaar u yihiin wada hadal nabadeed, haddana waxaa wali adag sidii hal miis la isugu imaan lahaa, iyadoo dhawaan ay TPLF sheegtay in ay oggolaatay in Midowga Africa ay dhexdhexaadiyaan iyaga iyo dowladda Itoobiya.