Wefti ka socda Dowladda Ethiopia oo kusoo fool leh Somaliland

Ethiopia-(Berberanews)-Ethiopia-(Berberanews)-Afhayeenka Wasaarada Arimaha Dibadda Itoobiya Dina Mufti oo shir jaraa’id ku qabtay caasimada Addis Ababa, maanta oo ah Arbaca, June 15, ayaa waxa uu sheegay in dawlada Itoobiya aanay ogayn go’aanka dawlada Somaliland ee ku saabsan Dekeda Berbera, waxana uu sheegay in wafdi sare oo ka socda dawlada Federaalka Itoobiya ay u ambabixi doonaan magaalada Hargeisa ee Jamhuuriyada Somaliland.Dina Mufti ayaa u sheegay joornaalka Capital Ethiopia, in wakhtigan aanu siin karaynin  war ku saabsan Dekeda Berbera, laakiin dawlad ahaan ay ku jiraan baadhitaan arintaas ku saabsan.

Todobaadkan ayaa uu sheegay Wasiirka Maaliyada Somaliland Dr.Saad Ali Shire in Itoobiya ay lumisay 19% ay ku lahayd Dekeda Berbera.