War degdeg ah: Masuulliyiin Mucaaridka ah oo Xabsiga loo taxaabay

Hargeysa-(Berberanews)-Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa la sheegay inay goor dhawayd Xabsiga u taxaabeen masuulliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Ciidammada Booliska, ayaa la sheegay inay xidheen Gudoomiye ku-xigeenkii Xisbiga Waddani Axmed Cumar Cabdillaahi (Xamarji) iyo Cabdifataax Ali (Gaagaale) oo ah gudoomiyaha Degmada Ibrahim. Koodbuur ee Xisbiga Waddani.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidammada Booliska iyo masuulliyiinta Xisbiga Waddani oo la xidhiidha xadhigga masuulliyiintan.

Sidoo kale, lama sheegin wax fal dambiyeeda oo ay gacanta kula jireen masuulliyiin la xidhay.

Berberanews.net
Info@berberanews.com