Somaliland: Hooyo 2 mattaano ku weyday dhiig si qaldan loogu shubay, iyana halis ku jirta

Masiibo ka dhacday Cusbitaalka Gabiley !!!

Hargeysa-(Berberanews)-Waxaa halis caafimaad ku jirta Hooyo magaceedu yahay ”Jamiila” oo taalla Cusbitaalka Guud ee Hargeys, ka dib markii dhakhaatiirta Cusbitaalka Gabilay ay ku shubeen dhiig qaldan oo aan nooceeda ahayn.

Dhacdadan masuulliyad darrada ah ee uu sameeyeey Cusbitaalka Gabilay waxaa ku geeriyooday 2 carruura oo hooyo Jamiila caloosha ku siday, iyadana xaaladeedu hadda ay liidato.

Xoghayaha arimaha bulshada Xisbiga Waddani  Maxamed-sidiiq Dhamme, ayaa warbixin ka sameeyay dhacdada argagaxa leh ee hooyadaasi la kulantay iyo sidii wax u dhaceenba.

“Hooyo Jamiila oo lahayd uur mataano ah ayaa la geeyay Cusbitaalka Gabiley si ay ugu umusho, waxa la sheegay in dhiig ay u baahantahay, nooca dhiigeeda waxay ku sheegeen Cusbitaalka Gabiley (B+) Hooyaddi waxay lagu shubay (5 Unit) ah oo kaydka yaallay, markii dhiigi lagu shubay Hooyo Jamiila xaaladeedu way is bedeshay Afkay ka xunbaysay waxaanay gashay xaalad Caafimaad oo daran, waxay umushay  Carruurtii Mataanaha ahaa oo mid dhashay isagoo meyda kii kelina markiiba wuu dhintay.

Marlbaad waxa lagu shubay Hooyo Jamiila  (5 Unit) oo dhiig B+ ah oo qaldan, xaaladeedi halis ayaa gashay, waxay gashay Koomo, si segdega waxa loola soo cararay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, shaybaadhadi waxay sheegeen in dhiigyaraani jirto, si loo badbaadiyo waxa la qorsheeyay in dhiig loo shubo, waxa la baadhay booca dhiiga Hooyada waxaana la ogaaday in ay tahay (O-) dhigii ahaa (B+) si qaldan loogu shubay, Cusbitaalka Gabiley waxa ka dhacday hubin la’aan iyo masuuliyad darro.

Xaalada Hooyada oo halis ah ayaa lagula tacaalayaa Cusbitaalka Hargeysa, waxaan Alle uga baryaynaa Caafimaad, dayacaadda dhacday waa in ciqaabi ka dhalataa, Hooyadaasi waa in ay heshaa magdhaw, dhakhaatiirta khaldka ama dayaacadda sameeya waa in lala Xisaabtamaa, dalkeena waxa ka dhaca maalin kasta masuuliyad darro noocan ah, in Golaha Wakiiladu diyaariyaan Xeerkii Caafimaadka Qaranka.

Sawirka 1aad. Nooca dhiiga Hooyada lagu shubay B+

Sawirka 2aad . Nooca dhiiga Hooyadu ahay O-

Sawirka 3aad. Inta jeer ee loo qorey Laguna shubay.”