Xogo laga helay kulan dhexmaray Maxamud Xaashi iyo siyaasiyiinta Kulmiye

Hargeysa-(Berberanews)-Xogo dheeraad oo laga helay kulamo dhexmaray siyaasi Maxamuud Xaashi iyo siyaasiyiinta beeshiisa ee Kulmiye
Qodabadda muhiimka ah ee la isku afgartay ilaa hada wadahadallada dedaallada dib ugu soo noqoshada siyaasi Maxamuud Xaashi ee Xisbiga Kulmiye:-

● Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu oggolaaday dedaallada lagu doonayo in siyaasi Maxamuud Xaashi uu Xisbiga Kulmiye dib ugu noqdo, waxaannu fursad siyaasi ah u arkay soo xero gelinta siyaasigan saameyntiisa siyaasadeed muujiyey doorashooyinkii Somaliland ee sannadkii hore iyo doorashadii Shirguddoonka Golaha Wakiillada ee ay hore isku seegeen wareejinta Guddoomiyanimada Xisbiga Kulmiye.

● Siyaasi Maxamuud Xaashi waxay islaab xaadheen Wasiir Maxamed Kaahin oo mid kastaa lahaa hanka hoggaaminta Kulmiye Madaxweyne Muuse marka uu wareejiyo.

● Wasiir Maxamed Kaahin ayaa isaguna dhankiisa wuxuu garowsaday soo noqoshada Maxamuud Xaashi ee Xisbiga Kulmiye inay u tahay  fursad dib ugu soo hanan  karaan  taageerayaasha sSyaasigan fikirkiisa taabacsan.

● Maxamuud Xaashi waxay kulan kale wada yeesheen Wasiir Cali Marreexaan oo tabashooyin siyaasi ah ay u dhaxeeysay iyaguna taasi way ka heshiiyeen kulan kale oo ka horreeyey ka xalay ee Kaahin Iyo Maxamuud ayay isku laab xaadheen.

● Wadaadallada ayaa sii soconaya iyadoo qorshuhu yahay sida ilo xog-ogaal ah ii sheegeen in sidoo kale ay guddiga dhexdhexaadinta wadaa ay isugu keenayso kulan  islaab xaadhasho ah Wasiir Xasan Gaafadhi iyo syaasi Maxamuud Xaashi oo iyagana ay u dhexaysay xafiiltan siyaasi ah muddooyinkii ugu danbeeyey.

● Xubnaha dhexdhexaadinta dhinacyada wada ayaa kala ah Amb. Bashe Cawil, Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Maxamed Xaaji Aadan, Gudoomiye Cabdikariin Xinnif Iyo Wasiirkii hore ee Tamarta iyo Macdanta Jaamac Maxamuud  Cigaal.
● Ma jirto wax shuruud ah oo ah in Madaxweynuhu shuruud kaga dhigay siyaasi Maxamuud Xaashi la kulanka Wasiirrada xukuumadda ee isku beesha yihiin ka hor kulanka ay wada yeelanayaan.

● Waxa xusid mudan in wadahadalladan iyo kulamadanba ay ka qabsoomeen intii ay socdeen hoyga Madaxweyne Siilaanyo ee magaalada Hargeysa.

● Siyaasiga Maxamuud Xaashi ayaa qodobka shuruudihiisa  ugu wayn ee uu wata ay tahay Gudoomiyanimada Xisbiga Kulmiye.

● Xildhibaannada Golaha Wakiillada  beelaha Subeer Awal ee Maxamuud Xaashi Cabdi hore ula kulmay iyo guddiyo ka kooban Beelaha Habar Awal ee Xisbiga Muxaafidka ka tirsan ayaa iyaguna qayb ka ahaa dedaallada Xisbiga Kulmiye uu lagu doonayay in dib loogu soo celiyo siyaasi Maxamuud Xaashi.

● Siyaasiyiinta iyo Masuuliyiinta Xukuumadda ee Beesha Habarjeclo ayaa la qorsheeyey inay Madaxweynaha la kulmaan iyagoo midaysan marka ay dhammaantood heshiis ka gaadhan tabashooyinka u kala dhexeeyey.

Qodabaddan ayaa xusid mudan intii shirarku socdeen qodobaddii la isla afgartay kulamadaas kala duwan ee ay yeesheen dhinacyada kala duwan.

Halkan kala soco xogaha rasmiga ah ee ku saabsan kulamadaas iyo waxa ka soo baxa iyadoo la filayo in dhawaan si rasmi ah loo shaaciyo dib ugu biirista Kulmiye ee Siyaasi Maxamuud Xaashi. 

Xigasho Weriye Luqmaan Maxamed Faarax.