Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Jabuuti oo qaabilay wefti wasiirro Somaliland ah

Jabuuti -(Berberanews)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Djibouti Md. Maxamed Cali Yuusuf, ayaa qaabilay wefti ka socda dawladda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arimaha Debedda Dr Ciise Keyd.
Weftiga Somaliland  oo uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhigga iyo xubno kale, ayaan la faahfaahin ujeeddada safarkooda Jabuuti iyo waxyaabaha ay ka wadahadleen masuuliyiinta dalkaas.
Hase yeeshee, Wasiirka Arrimaha Debedda Jabuuti ayaa bartiisa Facebook ku baahiyey sawirro iyo war kooban oo lagu sheegay in weftiga Somaliland joogi doonaan dalka Jabuuti muddo 72 saacadood ah.